Lacagta loo uruuriyey gurmadka gobolka Gardafuu oo la shaaciyey

Image
Image
Image
Image
Image

GAROWE, Puntland - Madaxweyne ku-xigeenka Dowladda Puntland Mudane Axmed Cilmi Cismaan Karaash, ayaa [xalay] ka qeybgalay kulan loogu qareemayo Gobolka Gardafuu oo ay saameyn ku yeesheen roobabkii dhowaan ka da'ay Puntland.

Kulanka waxaa Gobolka Gardafuu loogu ururiyey in ka badan $260,000 lacagtaasi oo ay ku yabooheen Goleyaasha Dowladda, Shaqaalaha, Ciidamada, Ganacsato, Qurbojoog, Dhallinyaro iyo Haween.

Madaxweyne ku-xigeenka Dowladda Puntland Mudane Axmed Cilmi Cismaan Karaash, ayaa bogaadiyey dadaalka joogtada ah ee ay wadaan Guddiga Gurmadka ee Gobolka Gardafuu, wuxuuna sheegay inkastoo Dowladu ay dhowaaan ku dhawaaqi doonto si guud dhaqaalaha ay uga qeyb qaadan doonto Gurmadka Gobolka Gardafuu, hadana uu isagu si shakhsi ah gurmadka ugu yaboohayo $5,000

Lacag ururintan waxaa ka qeyb qaatay Hayádda kala duwan ee Dowladda, Golaha Wasiirada Dowladda Puntland ayaa ku yaboohay $54,000. Golaha Wakiilada ee Dowladda Puntland ayaa iyana ku yaboohay 20,000 Halka Shaqaalaha Madaxtooyada ee Dowladda Puntland ay ku yabooheen $10,000 dhammaan lacagahaasi ayeey ka bixin doonaan mushaharaadkooda.

Dhinaca kale, Karaash ayaa balanqaadey in dowladda ay ka qeyb-qaadan doonto dayactirka iyo dib-u-dhiska waddooyinka ku burburay roobabkii ka da'ay goboladda.

Kulanka waxaa ka qeybgalay Guddoomiye ku-xigeenka koowaad ee Baarlamaanka Dowladda Puntland Mudane Abuukaate Cabdicasiis Cabdullaahi Cismaan, Guddoomiye ku-xigeenka Labaad ee Baarlamaanka Mudane Ismaaciil Maxamed Warsame, Labada Gole ee Dowladda, Guddiga Gurmadka ee Gobolka Gardafuu, Ganacsato, Culimo, Hogaan Dhaqan, Qurbojoog, Dhallinyaro iyo Haween.

Madaxtooyadda Puntland + GO

Related Articles

Shirweynaha 5-aad ee Golaha Guud ee Ururka Warbaahinta Puntland oo ka furmay Garowe

Madaxwayne ku xigeenka Puntland Ilyaas Cusmaan Lugotoor ayaa daahfuray Shirweynaha oo ay ka qeybgalayaan dhinacyo kala duwan.

  • Puntland

    21-04-2024

  • 11:46AM

Dowladda Puntland oo dardargelisay la macaamilka Beesha Caalamka

Kulanka ayaa looga hadlay mashaariicda horumarin iyo Kuwa bani’aadantinimo ee ay Puntland ka taageeraan iyo Sidii loo xoojin lah wadashaqeynta.

  • Puntland

    18-04-2024

  • 12:52PM