Lataliyaha amniga Deni oo si adag uga hadlay mashruuca uu Khayre joojiyey

Image

GAROWE, Puntland – Lataliyaha sare ee dhanka ammaanka madaxweynaha Puntland, Maxamed Cabdiraxmaan Faroole, ayaa si kulul uga hadlay mashruuca uu joojiyey ra'iisul wasaare Xasan Cali Khayre.

Maxamed oo qoraal soo dhigay bartiisa gaarka ah ee Facebook-ha ayaa sheegay in wasiirka koowaad ee xukuumadda federaalka ah uu siyaasadeeyay mashruucan horumarineed.

"Waxaa cambaareyn mudan islamarkaana ku takri falid awoodeed ah in iyadoo dano siyaasadeed laga leeyahay la hakiyo mashriic loogu deeqey qaar ka tirsan magaalooyinka dalka islamarkana lagu xiro natiijooyin doorasho kuwaas oo faragalin ba’an lagu hayo," ayuu yiri.

Fulinta mashaariicda horumarinta ayaa la rumeysan in ay wax baban ka tarayaan xasiloonida, ammaanka dalka iyo dagaalka lagula jiro maleeyshiyaadka Al-Shabaab ee xiriirka la leh Al-Qaacida.

Hoos ka akhriso qoraalka Maxamed Cabdiraxmaan

RW Khayre waxaa uu oo olole siyaasadeed maanta 18/01/2020 (doorashada Galmudug) ku galay in uu joojiyo mashariic hurumarineed uu bangiga aduunka siiyey qaar ka tirsan magaalo madaxyada maamulada “Kismaayo, Baydhabo, Garowe iyo magaalo madaxda Muqdisho.

Mashaariicdaan oo bangiga aduunka bixiyey ayaa waxaa ku baxaya aduun gaaraya 112 Milyan.

Qeybta hore ee heshiiskan ayaa waxaa kala saxiixday Wasiir Beyle iyo Guddoomiye Cumar Filish, waxaana Muqdisho kaga soo aaday mashruucan dhismaha ah 28 milyan oo dollar.

Sidoo kale Mashruuca inta kale ayaa la filayay in Wasiirka Maaliyadda uu la saxiixdo Wasiirada kale ee Maaliyada dowlad goboleedyada Puntland, Koofur Galbeed iyo Jubbaland.

Wasiirka Maaliyadda oo ka hadlayay mashruuca heshiiskan ayaa sheegay in qeybta hore ay yihiin afar magaalo Muqdisho, Kismaayo, Baydhabo iyo Garowe, qeybta kalena ay ku xigaan maamul goboleedyada Galmudug iyo Hirshabelle.

Magaalo madaxdyada qaybta ka ah barnaamijkaan ayaa midiiba 28 Milyan dollar heleysaa kuwaas oo buuxiyey shuruudahii ku xiranaa mashruucaan.

Shuruudaha in magaalooyinkaan helaan mashruucaan ayaa waxaa kamid ahaa dhismaha guddi la yiraahdo PIU ama “Project implementation unit” halka maamulada kale aysan weli dhisin gudigaas arrimo la xiriira xaaladaha siyaasadeed ee ku hareereysan dartood.

Waxaa cambaareyn mudan islamarkaana ku takri falid awoodeed ah in iyadoo dano siyaasadeed laga leeyahay la hakiyo mashriic loogu deeqey qaar ka tirsan magaalooyinka dalka islamarkana lagu xiro natiijooyin doorasho kuwaas oo faragalin ba’an lagu hayo.


GAROWE ONLINE

Related Articles

Booliska Puntland oo lagala hadlay ka hortaaga xaalufinta deegaanka

Isku xirnaanta Wasaaradda Degaanka iyo Isbedelka Cimilada iyo Hogaanka Booliska ayaa sidoo kale looga hadlay shirkan.

  • Puntland

    27-03-2024

  • 04:28AM

Qardho: Mashruuc horseeday jarista dhir baaxad leh oo laga digay

Wasaaradda deegaanka iyo Isbedelka Cimiladda ee Puntland ayaa ku baaqdey in degdeg loo joojiyo jarista dhirtan.

  • Puntland

    26-03-2024

  • 01:41PM