Ururada siyaasadeed ee laga diiwaan-geliyey Puntland oo la shaaciyey

Image

GAROWE, Puntland—Guddiga doorashooyinka ku meelgaarka ah ee dowladda Puntland ayaa Khamiista maanta ah wuxuu shaaciyey liiska ururada siyaasadeed oo uu diiwaan-geliyey, saddexdii bilood ee aynu kasoo gudubnay.

Sidda ku xusan qoraal kasoo baxay guddiga oo uu arkay Garowe Online, wadarta guud ee ururada la liis-gareeyay ayaa gaareysa 17.

Ururada oo la hudbiyey codsiyadooda ayaa la siiyey shahaadooyin ku meelgaar ah markii ay buuxiyeen shuruucdo horudhac ah, sidda ku cad warqadda, oo intaas ku dartay in ay baaqi u yihiin shuruudo kale.

Guuleed Saalax Maxamed, guddoomiyaha guddiga oo saxaafada la hadlay, ayaa sheegay in afar urur siyaasadeed aysan wali si rasmi ah u diiwaan-gelin maadaama aysan dhameystirin shuruudihii loo baahnaa.

"Ururada ay wax ka dhimanaadeen ama ay wax ka khaldameen waxaan u qornay warqad rasmi ah, waxaana loo qabtay in ay kusoo dhameystiraan wixii ka dhiman 4 maalmood oo ku eg 22/04/2020," ayaa lagu yiri bayaanka.

Dhameystirka shuruudaha wejiga labaa oo ay kamid yihiin qabashada shirweynaha, furashada xafiisyada gobolada iyo soo gudbinta 1,800 xubin oo ku sugan ugu yaraan lix gobol ayaa ku eg isla 22/04/2020.

Intii lagu guda jira shirka jaraa'id, guddoomiye Saalax ayaa carabka ku adkeeyay in ay rajo wanaagsan ka qabaan in ay Puntland ka hirgeliyaan doorashooyin qof iyo cod, isagoo bogaadiyey taageerada xukuumadda.

Beesha Caalamka si gaar ah saaxiibada Puntland ayuu kalsooni weyn ka muujiyey in ay garab istaagi doonan in laga gudbo nidaamka 4.5.

Ugu dambeyntii, bulshadda iyo siyaasiyiinta Puntland ayuu hoosta ka xariiqay in ay u muujiyeen rabitaan weyn oo ku saabsan hirgelinta nidaamka xisbiyadda, oo shacabka u ogolaanaya in ay soo doortaan hogaamiyeyaashooda.

WARQADDA GUDDIGA

GAROWE ONLINE

Related Articles

Shirweynaha 5-aad ee Golaha Guud ee Ururka Warbaahinta Puntland oo ka furmay Garowe

Madaxwayne ku xigeenka Puntland Ilyaas Cusmaan Lugotoor ayaa daahfuray Shirweynaha oo ay ka qeybgalayaan dhinacyo kala duwan.

  • Puntland

    21-04-2024

  • 11:46AM

Dowladda Puntland oo dardargelisay la macaamilka Beesha Caalamka

Kulanka ayaa looga hadlay mashaariicda horumarin iyo Kuwa bani’aadantinimo ee ay Puntland ka taageeraan iyo Sidii loo xoojin lah wadashaqeynta.

  • Puntland

    18-04-2024

  • 12:52PM