Damaashaadka 1-da August iyo Madaxtooyadda Puntland

Image
Image
Image
Image
Image
Image
Image

GAROWE, Puntland - Xaflad si heer sarre ah loosoo agaasimay ayaa habeenimadii Khamiista lagu qabtay Madaxtooyadda Puntland ee Garowe, taasi oo lagu maamusayo 1-da August, maalintii la yag-leelay maamulkan.

Hogaanka dowladda Puntland oo uu ugu sareeyo madaxweyne Saciid Cabdullaahi Deni, ku xigeenkiisa, afhayeenka baarlamaanka iyo marti sharaf kale ayaa kasoo muuqatay munaasabadda.

Mas'uuliyiinta oo khudbado kala duwan jeediyay ayaa waxay diiradda ku saareen taariikhda fog ee ay leedahay Puntland, wixii u qabsoomay iyo horumarka ay dalka gaarsiisay.

Madaxda xafladda kasoo qaybgashay ee martida ah ayaa waxaa kamid ah gudoomiyaha Aqalka Hoose ee baarlamaanka Soomaaliya, ku xigeenka koowaad ee Aqalka Sare iyo xubno ka socda beesha caalamka.

Senator Cabdiraxmaan Maxamed Faroole oo Aqalka Sare ka tirsan, madaxweynihii hore kana mid ahaa aas-aaseyayaashii Puntland ayaa sidoo kale xaadir ku ahaa madasha kana hadlay.

Ka qeybgaleyaasha waxaa ku jiray Isimo, Fanaaniin iyo qeybaha kala duwan ee bulshada kuwaasi oo bogaadiyey qaabka loo qaban-qaabiyey xuskan maalintan qiimaha badan.

Bishii Agoosto 1-deeda sanadkii 1998-dii ayay ahayd markii la aas-aasay Puntland, taasi oo ka dhigeysa maamulka ugu da'da weyn kuwa xubnaha ka ah federaalka Soomaaliya.

MUUQAALKA XAFLADDA

GAROWE ONLINE

Related Articles

Dowladda Puntland oo dardargelisay la macaamilka Beesha Caalamka

Kulanka ayaa looga hadlay mashaariicda horumarin iyo Kuwa bani’aadantinimo ee ay Puntland ka taageeraan iyo Sidii loo xoojin lah wadashaqeynta.

  • Puntland

    18-04-2024

  • 12:52PM

Puntland oo qaadacdey shirka uu iclaamiyay Xasan Sheekh

Madaxweynaha Soomaaliya ayaa 21-ka ilaa 22-ka bishan April u mudeeyay in uu qabsoomo shir madaxeedkan.

  • Puntland

    17-04-2024

  • 06:28AM