M. C/raxmaan: Khilaafka Isimada Puntland waxaa mas’uul ka ah Gaas [Daawo]

Image

GAROWE, Puntland - Maxamed Cabdiraxmaan, oo kamid ah siyaasiyiinta Puntland, ayaa ka hadlay arrimaha doorashada madaxtinimada 8-da Janaayo 2019 iyo xaaladda guud ee maamulka, mida siyaasadeed, amni iyo dhaqaale.

Isagoo wareysi siinayay Warsidaha Garowe Online, Maxamed oo waayo joog u ah doorashooyinkii ka dhacay Puntland tan iyo aas-aaskeedii 1998-dii ayaa sheegay in Madaxweyne Cabdiweli Gaas ay xilligan la gudboon tahay inuusan khilaaf abuurin.

Siyaasiga ayaa ku eedeeyay Gaas inuu mas'uul ka yahay khilaaf haatan ka dhex-jira Hogaanka dhaqanka ee beelaha Puntland, oo cadaadis uu ku saarayo cidda ay usoo xulayaan inay ku matasho Gollaha Wakiiladda.

Khilaafka Isimadda oo soo jiitamayay tan iyo markii la doortay Madaxwayne Gaas iyo meel-marintii Dastuurka KMG ee dalka, ayaa wuxuu ku guuldareystay inuu ka shaqeeyo sidii uu ugu kala dab-qaadi lahaa, sida laga soo xigtay Maxamed.

“2012-kii, khilaafkii soo bilowday ayaa Isimada Puntland wali ka dhex-jira…kuwa dadka gudahiisa ah iyo kuwa guudba..Isimadii Xamar u tegay anisixinta Dastuurka Cabdiweli Gaas baa soo kala qaybiyay..Qabyna kula soo haray Xamar, qaybna waxay soo noqdeen iyaga oo is-khilaafsan…mudadii uu halkaan xilka ka hayana kuma uusan talagelin inuu heshiisiiyo,” ayuu yiri Siyaasiga.

Odayaasha dhaqanka ee Beelaha qaar ayaa ku dhaleeceeyay Gaas inuu awoodda dowladda u adeegsanayo faragelinta nidaamka soo xulista Xildhibaanada ay ku leeyihiin Gollaha Wakiiladda, taasi oo ay ka dalbadeen inuu u madax-banaaneeyo.

“Ma beenaysanayo in Gaas uu waydiistay Isimada qaarkooda inuu isaga soo xusho 10 Xildhibaan, waxayna kamid tahay waxyaabaha ugubka ah ee uu kaga duwan yahay Madaxweynayaashii ka horeeyay oo uu ka sameeyay Puntland mudadii uu xilka hayey, kuwaasi oo uu kala yimid Xamar,” ayuu raaciyay hadalkiisa.

Siyaasiga ayaa cod dheer ku qeexay in guddiga qaban-qaabadda doorashadda iyo xalinta khilaafka, shaqadooda ugu muhiimsan ay tahay inay kala si dhex-u-eexasho ka fog ay u kala dhex-galaan hadii Beelaha hogaankooda isku qabtaan Xildhibaano.

Ururadda Bulshadda rayidka ayuu ku baaqey inay qayb ka noqdaan Guddiga Xalinta Khilaafaadka, si ay xog ogaal uga noqdaan go’aan qaadashada iyo howlaha doorashada.

Ugu dambeyntii, Maxamed ayaa warbaahinta Puntland ugu baaqey inay dhex-dhexaadnimada ku shaqeyso, islamarkaana si siman u tebiyaan ololaha doorashada Musharixiinta, si looga fogaado kicin dadweyne, rabashado iyo qalaalase dhaca.

HALKAN KA DAAWO WAREYSIGA:

GAROWE ONLINE

Related Articles

Puntland oo martigelisay shirka la qeybsiga saameynta isbedelka cimilada

Kulankan ayaa qeyb ka ah mashruuca ay iska kaashanayaan Wasaaradda Deegaanka Soomaaliya iyo Hay’adda UNCDF.

  • Puntland

    08-05-2024

  • 09:32AM

Puntland oo qabatay Maraakiib waday kalluumeysi sharci darro ah

Doonyo, laashash iyo shaqaalahoodii ayaa kamid ah waxyaabaha kale ee gacanta lagu soo dhigay.

  • Puntland

    08-05-2024

  • 08:06AM