Maamulada oo is-dhaafsanaya ragga dambiyada geysta ee baxsadka ah

Image
Image

GAROWE, Puntland – Wasaaradaha Amniga maamulada Goboleedyadda xubnaha ka ah dowlada Soomaaliya ayaa kulan maalmo socday waxay ay ku yeesheen magaaladda Garowe, caasimadda Puntland.

Shirka oo lasoo gabagabeeyay Talaadada maanta ah ayaa laga soo saarey qodobo la sheegay in ay isku afgarteen dhinacyadda ka qaybgalay, kuwaasi oo si daahfuran loola wadaagay saxaafadda.

Dowladda Puntland waxaa Isu-imaatinka ku metalayay wasiir ku xigeenka amniga iyo DDR-ta, halka maamulada kale ay ka socdeen wasiirada amaanka.

Ka qaybgalayaasha ayaa si buuxda waxay iskugu raaceen in ay muhiim tahay in meel looga soo wada jeesto cid kasta oo halis ku ah nabad-gelyadda iyo horumarka guud ahaan Umadda Soomaaliyeed.

Xubnaha ayaa isla qaatay in maamuladda ay isu-celiyaan ragga baxsadka ah ee falalka liddiga u ah amniga ka kala geysta degaanada dowlad goboleedyadda dalka, si cadaalad loo marsiiyo dambiilayaasha.

Mas'uuliyiinta ayaa go’aan-saday in ay yeeshaan shir saddex biloodba hal mar qabsoomaya, iyadda oo martigelinta kulankaasi ay marba yeelanayaa caasimadaha dowlad goboleedyadda dalka.

Wasiiradda ayaa hoosta ka xariiqay in laga wadashaqeeyo sidii loo yareyn lahaa qul-qulatooyinka Tahriibka oo sanadihii lasoo dhaafay si xowli ah u socday, iyada oo halka laga dhoofo ay Puntland tahay.

Magaaladda Boosaaso ayaa ah marinka ugu wayn ee ay adeegsadaan ragga iyo dumarka ee nafsadooda ku biimeynaya badda si ay Tahriibaan iyaga oo raadinaya nolol dhaanta ay dalkooda ku haystaan.

Wasiirada Amniga ee kulmay ayaa u yimid Garowe ka qaybgalka Shirka Wadatashiga ee dowlada federaalka iyo maamul goboleedyada, kaasi oo lagu wado in gunaanudka war-murtiyeed laga soo saaro.

MUUQAALKA SHIRKA

GAROWE ONLINE

Related Articles

Shirweynaha 5-aad ee Golaha Guud ee Ururka Warbaahinta Puntland oo ka furmay Garowe

Madaxwayne ku xigeenka Puntland Ilyaas Cusmaan Lugotoor ayaa daahfuray Shirweynaha oo ay ka qeybgalayaan dhinacyo kala duwan.

  • Puntland

    21-04-2024

  • 11:46AM

Dowladda Puntland oo dardargelisay la macaamilka Beesha Caalamka

Kulanka ayaa looga hadlay mashaariicda horumarin iyo Kuwa bani’aadantinimo ee ay Puntland ka taageeraan iyo Sidii loo xoojin lah wadashaqeynta.

  • Puntland

    18-04-2024

  • 12:52PM