Maamulada oo ka jawaabay qoraalkii Dowladda Soomaaliya [DAAWO]

Image

GAROOWE, Puntland - Afhayeenka Gollaha Iskaashiga dowlad-goboleedyada dalka, ahna Wasiirka Dastuurka Koonfur Galbeed, Cabdullaahi Sheekh Xasan ayaa ka hadlay qoraalkii kasoo baxay Wasaarada Arrimaha ee xukuumada Muqdisho.

War-saxaafadeedka ayaa lagu sheegay in wali taalo gogoshii uu Madaxwayne Farmaajo u fidiyey madaxda maamuladda, ee la doonayo in lagu dhameeyo khilaafka siyaasadeed ee labada dhinac.

Wasaaradda arrimaha gudaha ayaa sidoo kale uga hadashay qoraalka ay soo saartey shalay doorashooyinka kusoo food leh Koonfur Galbeed iyo Puntland, oo ay kuu baaqday inay u dhacaan sii xor iyo cadaalad ah.

Cabdullaahi Sheekh Xasan oo ayaa carabka ku adkeeyay in wasaaradda aysan xaq u lahayn inay ka hadasho war kasoo baxay Madaxwaynaha, isagoo intaasi ku daray in qabsoomida doorashooyinka maamullada ay u taallo madaxdooda.

“Wasaarada waxay muujisay fahan la’aanta siyaasadeed markii ay sheegtay inay wali taalo gogoshii uu Madaxwaynuhu fidiyey. Teeda kale, Puntland doorasho waxay ka dhaceysaa markii Shanaad, Koonfur Galbeedna waa markii labaad, kuwii horey siday u qabsoomeen ayey kuwanina u dhacayaan,” ayuu yiri Afhayeenka Gollaha Iskaashiga maamuladda

- DF oo ciidamo, hub iyo Gadiid geysay Baydhabo –

Isagoo sii hadlayay, afhayeenka ayaa xusay in dowladda ay gaysay Baydhabo gadiidka aan xabadda karin, hub iyo ciidamo, kuwaasi oo uu xusay inay dooneyso sidii ay ugu carqaladeyn lahayd amniga doorashooyinka Koonfur Galbeed.

Afhayeenka ayaa ku eedeeyay dowlada in ay hubkii lagula dagaalami lahaa Al-Shabaab ay u gacan-geliso isla kooxdan xiriirka la leh Al-Qaacida, isagoo tibaaxay inay uga baxay dowlad goboleedyadda heshiiskii ay ku kala saxiixdeen Baydhabo.

“Dowladdu waxay dooneysaa inay meesha gayso qof iyadda ay rabto sidii ay wareegto ku magacowday, sida ay ka sameysay Cadaado, taasina dhicimayso, Koonfur Galbeed haydo dowladeed baa ka jira. Mana la burburin karo, sababtoo ah dadkii lahaa ayaa ka hor-tegaya,” ayuu raaciyay.

Wasiirka Dastuurka Koonfur Galbeed ayaa xukuumada Muqdisho ku eedeeyay inaanu wali kasoo jawaabin qoraalo ay gudbiyeen dowlada dhexe oo ku aadanaa in dibadda loo qaado dadkii ku waxyeeloobay qaraxyadii ka dhacay Baydhabo oo galaaftay in ka badan 20 ruux oo Shacab ubadan.

- Mowqifka Gollaha ee HirShabeelle –

Wasiir Xasan oo wax laga waydiiyay mowqifka uu Golluhu ka qaatey Madaxwaynaha HirShabeelle, oo iclaamiyay inuu isaga baxay axdigii Kismaayo markii uu heshiis la galay dowladda dhexe ayuu diiday inuu bidhaamiyo, isagoo adkeystay inay ku xukminayaa go’aanka uu isaga ku dhawaaqay.

“Ma rabo inaan arrintaasi ka hadlo, laakiin isaga ayaa afkiisa ka sheegay inuu Golluhu ka baxay,” ayuu hadalkiisa kusoo gabagabeeyay Afhayeenka Gollaha Iskaashiga dowlad-goboleedyda, Cabdullaahi Sheekh Xasan.

HOOS KA DAAWO SHIRKA JARAA'ID:

GAROWE ONLINE

Related Articles

Shirweynaha 5-aad ee Golaha Guud ee Ururka Warbaahinta Puntland oo ka furmay Garowe

Madaxwayne ku xigeenka Puntland Ilyaas Cusmaan Lugotoor ayaa daahfuray Shirweynaha oo ay ka qeybgalayaan dhinacyo kala duwan.

  • Puntland

    21-04-2024

  • 11:46AM

Dowladda Puntland oo dardargelisay la macaamilka Beesha Caalamka

Kulanka ayaa looga hadlay mashaariicda horumarin iyo Kuwa bani’aadantinimo ee ay Puntland ka taageeraan iyo Sidii loo xoojin lah wadashaqeynta.

  • Puntland

    18-04-2024

  • 12:52PM