​Maandooriye lagu qabtay magaalada Bosaso [Sawirro]

Image
Image
Image
Image
Image
Image
Image

BOSASO, Puntland- Laamaha amniga iyo maamulka gobolka Bari ayaa maanta warbaahinta usoo bandhigay Maandooriye lagu qabtay Kantaroolka magaalada Bosaso, kaasoo la sheegay inuu dhibaato weyn ku hayo bulshada iyo nabadgalyada.

Ciidamada amniga ayaa sidoo kale gacanta ku dhigay Raggii waday Maandooriyahan oo la sheegay inuu dhanyahay 2 Kiilo iyo shakhsiyaadkii loo waday.

Guddoomiyaha  Bari iyo Taliyaha qaybta Booliiska ayaa goob joog ka ahaa madal lagusoo bandhigay Mukhaadaraadkan.

Taliyaha qeybta Booliska gobalkaas, Cabdixakiin Yuusuf Xuseen oo ka hadlayay howlgalka lagu qabtay Maandooriyaha ayaa sheegay inay dab qabadsiin doonaan islamarkaana raggan lagu qabtay loo gudbin doono maxkamad.

Cabdixakiim ayaa sidoo kale digniin u diray shakhsiyaadka ku howlan ka ganacsiga maandooriya, wuxuuna carrabka ku dhuftay in ciddii lagu qabto ay la kulmi doonto Ciqaab adag.

Ciidamada amniga ayuuu xusay inay si wayn u feejiganyihiin islamarkaana aysan suurto gal noqon karin in si dhuumaalaysi ah magaalada loo soo galiyo Mukhaadaraad.

Dhinaca kale Guddoomiyaha gobolka Bari, Yusuf Maxamed Wacays ( Dhedo ), ayaa sheegay in abaalmarin lasiin doono ciidamadii gacanta ku dhigay waxyaabahan oo uu sheegay inay halis ku yihiin hormarka dalka, caafimaadka bulshada iyo nabadgalyada.

Dhedo ayaa ciidamada ugu baaqay inay sii wadaan dedaalkooda ku aadan adkaynta amniga isagoo xusay inay mar walba ka war hayn doonaan ciidamada amniga oo uu tilmaamay inay hayaan shaqo weyn.

Maaha markii ugu horaysay Mukhaadaraad lagu qabto magaalada Bosaso, balse waxay kusoo aaday xilli isticmaalka Maandooriyuhu uu aad ugu soo badanayo gobollada Puntland, kuwaasoo si dhuumaalaysi ah loo soo galiyo magaalooyinka waaweyn.

GAROWEONLINE

Related Articles

Shacabka Garowe oo loogu baaqay ilaalinta kanaalada biyuhu maraan

Howlgalka xalay ayaa laga sameeyay waddada laamiga ah ee Globol iyo waddada Sagal.

  • Puntland

    16-04-2024

  • 05:26AM

Puntland oo kalitalisnimo ku eedeysay madaxda federaalka

Madaxweyne Ku-Xigeenka dowladda Puntland ayaa si kulul uga hadlay hanaanka dowladnimo ee Soomaaliya,

  • Puntland

    15-04-2024

  • 11:33AM