Madaxwaynihii hore ee PL oo hambalyo u diray shacabka

Image

Madaxwaynihii hore ee dowladda Puntland Dr.Cabdiraxmaan Shiikh Maxamed Farole oo hada ku sugan magalada Melbourne ee Wadana Australia ayaa umadda reer Puntland ugu hambalyeeyay 16 guurada dhalashada Puntland.

Dr.Farole oo fariintan hambalyadda ah shacabka u marsiiya Radio Garowe ayaa ILLAAHAY uga baryay inuu sanadkan sanadkiisa kale si kasii wanagsan uu dadka iyo dalka Puntland ku gaarsiiyo isla markasna hormarka usii balaariyo.

Waxa uu sheegay Puntland inay hormuud u tahay nidaamka federaaliga ah ee dalka isla markasa loo baahan yahay in laga tigtoonaado cid kasta oo wax u dhimi karta midnimadda iyo wadajirka gobaladda Puntland.

Mudane Cabdiraxmaan ayaa shacabka usoo jeediyay inay nabadgalyadooda adkaystaan wax kasta oo ka hor imaan karayana Midnimada laga hortago isla markasna la iska ilaaliyo cadowga.

''Dad badan baa jira oo wax walaaqaya sidaasna kursiga laguma helo,qof meel uu fadhiyay adna aad timaadid xoolana ka heli maysid meesha waxaa imaanaysa in la is noco ha la iska ilaaliyo intaasi'' Farole ayaa yiri sidaasi.

Madaxwaynihii hore ee dowladda Puntland Dr.Cabdiraxmaan Shiikh Maxamed Farole ayaa ka mid ahaa dadkii wax kasoo dhisay dowladda federaaliga ah ee Somalia balse nasiib daro markii madaxda Villa Somalia ay damac qaawacan uu ka galay badalitaanka dastuurka KGM ah ee dalka uu xiriirka u jaray.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Shirweynaha 5-aad ee Golaha Guud ee Ururka Warbaahinta Puntland oo ka furmay Garowe

Madaxwayne ku xigeenka Puntland Ilyaas Cusmaan Lugotoor ayaa daahfuray Shirweynaha oo ay ka qeybgalayaan dhinacyo kala duwan.

  • Puntland

    21-04-2024

  • 11:46AM

Dowladda Puntland oo dardargelisay la macaamilka Beesha Caalamka

Kulanka ayaa looga hadlay mashaariicda horumarin iyo Kuwa bani’aadantinimo ee ay Puntland ka taageeraan iyo Sidii loo xoojin lah wadashaqeynta.

  • Puntland

    18-04-2024

  • 12:52PM