Madaxweynaha dowlada Puntland oo u baqoolay magaalada Nairobi

Image
Image
Image
Image
Image
Image
Image

GAROWE, Puntland Madaxweynaha Dowladda Puntland, Saciid Cabdullaahi Deni, ayaa Jimcada maanta ah wuxuu u baqoolay caasimada Kenya ee Nairobi, sidda uu war qoraal ah ku shaaciyey xafiiskiisa warfaafinta.

Deni oo safarkiisa ka warbixiyey ayaa muddo bil ah wuxuu magaala madaxda Muqdisho u joogay wadahadalka arrimaha doorashooyinka soo aadan.

Xilli uu tibaaxay in uu "guul" kusoo dhamaadey wadaxaajoodka, sababta isbedel kooban loogu sameeyay doorashadii 2016 ayuu ku tibaaxay "daruufa jira iyo waqtiga yar ee harsan".

Socdaalka Deni ayaa kusoo hagaagaya saacado kadib markii dowlada iyo maamulada ay soo bandhigeen tafaasiil ka harsaneyd heshiiska doorashada.

Heshiiska siyaasadeed ee madaxda dowlada iyo maamulada ku gaareen Villa Soomaaliya ayaa xeerinaya in coddeynta soo aadan ay noqoto degaan doorasho.

Sidoo kale, wuxuu tilmaamayaa in ergada wax soo xuleysa ay tiradoodu noqoneyso 101 ayna doorashada ka qabsoomeyso laba magaalo maamulkiiba.

Soo xulista Xildhibaanada labada Aqal ayaa loo muddeeyay in ay socoto 15 October illaa 15 November, halka guddoonka xeer-dejinta iyo madaxweynaha loo coddeyn doono 8 Janaayo illaa 8 Febraayo, 2021.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Puntland oo Qabanaysa Shir Ku saabsan Dhismaha Dawladnimada Soomaaliya

Madaxweyne Deni ayaa intaa ku daray, “Siyaasiyiintu mararka qaar waxay leeyihiin danahooda gaarka ah.

  • Puntland

    11-12-2025

  • 09:39AM

Puntland Oo Ciidamo Cusub U Daabushay Buuraha Cal-Miskaad

Hawlgalkan, oo markii hore loo qorsheeyay in lagu soo afjaro bisha December ee 2025, ayaa galay marxaladdiisii ugu dambeysay.

  • Puntland

    08-12-2025

  • 11:10AM