Madaxweyne Gaas oo bilaabey ololalaha afhayeenka Barlamanka

Image

7 November, 2015 (GO)- Madaxweynaha Puntland oo dib ugu soo noqdey magaalada Garowe maalinimadii khamiista 5 Nov, 2015 ayaa bilaabey kulamo gooni gooni uu la qaadanyo xildhibanada Barlamanka.

Aqalka madaxtooyada Garowe ayaa caawa waxaa madaxweyne Gaas ugu yeerey xildhibanada kaga jira Barlamanka Puntland gobolka Barri isaga kulan la qaatey.

Kulankaan ayaa wararka kasoo baxaya sheegayaan in madaxweyne Gaas uga waramey xildhibanaadaan xaalada Puntland iyo safaro uu ku tagey wadanka dibadiisa isaga oo u sheegey in mashaariic farabadan u hayo gobolka Barri balse ka codsanayo iney doortaan gudoomiye Barlamanka ee la jaan qaada xukuumadiisa.

Gabagabadii kulankaan ayaa madaxweyne Gaas xildhibanada ka codsadey in labo xildhibana ku reebaan kuwasoo la sheegey iney la galeen kulan kale oo albabaada u xiran yahay.

Warsidaha Garowe Online ayaa fahansan in madaxweyne Gaas uu bilaabey caawa 6 Nov,2015 ololaha uu ugu jiro in xildhibanada Barlamanka Puntland doortaan gudoomiye la jaanqaadi kara siyaasada uu dalka ku hogaaminayo.

Weli ma cadda shaqsiga uu la raadinayo madaxweyne Gaas in xilkaan uu qabto iyadoo ay isu soo sharaxeen afhayeenka aqalka wakiilada inta badan xubnaha Barlamanka kaga jira Gobolka Sanaag iyo Hayland.

GAROWEONLINE

Related Articles

Shirweynaha 5-aad ee Golaha Guud ee Ururka Warbaahinta Puntland oo ka furmay Garowe

Madaxwayne ku xigeenka Puntland Ilyaas Cusmaan Lugotoor ayaa daahfuray Shirweynaha oo ay ka qeybgalayaan dhinacyo kala duwan.

  • Puntland

    21-04-2024

  • 11:46AM

Dowladda Puntland oo dardargelisay la macaamilka Beesha Caalamka

Kulanka ayaa looga hadlay mashaariicda horumarin iyo Kuwa bani’aadantinimo ee ay Puntland ka taageeraan iyo Sidii loo xoojin lah wadashaqeynta.

  • Puntland

    18-04-2024

  • 12:52PM