Madaxweynaha Puntland oo booqdey xerada ciidamada 54aad

Image
Image
Image

Talaado, Nov 18,2014 [GO]- Madaxweynaha Puntland Cabdiweli Maxamed Cali Gaas ayaa saaka Booqasho ku tagay xerada ciidamada 54-aad ee ku taala duleedka magaalada Garoowe.

Madaxwayne Gaas ayaa waxaa goobtaasi ku soo dhaweeyay  saraakiisha Daraawiishta Puntland, isagoo salaan sharaf ka qaatay cutubyo ka tirsan kooxda Baanbayda,

Cabdiwali Maxamed Cali Gaas ayaa warbixino ku saabsan xaalada ciidanka ka dhagaystay saraakiisha ciidamada iyagoo u soo gudbiyey sida ay tahay xaaladahooda.

Ciidamada dowlada Puntland qaybihiisa kala gadisan ayaa bilihii ugu dambeeyey ka cabanayey mushahar la'aan iyadoo booqashadaan ku soo beegmeyso waqti xasaasi ah.

Madaxweynaha ayaa dhinaca kale ciidamada ku booriyay inay sii wadaan hawlaha ay u hayaan shacabka Puntland.

Booqashada Madaxweynaha uu ku tagey 54aad ayaa noqoneysa midii ugu horeysay uu ku tago xeradaan tan iyo intii loo doortey xafiiskaan. 

GAROWEONLINE

Related Articles

Shirweynaha 5-aad ee Golaha Guud ee Ururka Warbaahinta Puntland oo ka furmay Garowe

Madaxwayne ku xigeenka Puntland Ilyaas Cusmaan Lugotoor ayaa daahfuray Shirweynaha oo ay ka qeybgalayaan dhinacyo kala duwan.

  • Puntland

    21-04-2024

  • 11:46AM

Dowladda Puntland oo dardargelisay la macaamilka Beesha Caalamka

Kulanka ayaa looga hadlay mashaariicda horumarin iyo Kuwa bani’aadantinimo ee ay Puntland ka taageeraan iyo Sidii loo xoojin lah wadashaqeynta.

  • Puntland

    18-04-2024

  • 12:52PM