​Madaxweynaha Puntland oo Bosaso ka dagay [Sawirro]

Image
Image
Image
Image
Image
Image
Image
Image
Image
Image
Image
Image
Image

BOSASO, Puntland- Wafdi uu hogaminayo Madaxweynaha Puntland ayaa maanta dib ugu laabtay magaalada Bosaso kadib safar dhowr asbuuc qaatay oo uu ku tagay waddamada Sucuudiga iyo Imaaraadka.

Mas’uuliyiin katirsan golayaasha dowladda, maamulka gobolka iyo kuwa degmada Bosaso ayaa kusoo dhaweeyay garoonka diyaaradaha ee Bandarqaasim, waxaana hadal kooban uu warbaahinta siiyay Madaxweyne Gaas ku sheegay inuu ku faraxsanyahay soo laabashadiisa waddanka oo nabad ah.

Cabdiwali Maxamed Cali,  ayaa tilmaamay inuu soo guday waajibaadkii xajka islamarkaana uu kulamo kala duwan la qaatay mas’uuliyiin katirsan madaxda waddamada uu tagay.

“Muddo sadex isbuuc ka badan waxaan jirney dalka Sucuudiga Arabia iyo dalka Imaaraadka oo aanu soosocod-kayagii soo marnay, dalka Sacuudi Arabia waxaanu u tagnay waxay ahayd gudashadii waajibaadka Xajka, si fiican bayna runtii noogu soo dhammaatay dalka iyo dadkana waan usoo ducaynay, Illahayna waxaan ka rajaynaynaa inuu anagana naga aqbalo gudashada Xajka, wixii duco ah ee aanu usoo niri dalka iyo dadkaba iyana waxaan rajaynaynaa in Alle naga aqbalo,” Ayuu yiri Madaxweyna dawladda Puntland.

Isagoo ka hadlayay safarkiisii Imaaraadka, Madaxweynaha Puntland ayaa xusay in socdaalkaas uu la xariiray hormarinta kaabayaasha dhaqaalaha isagoo carrabka ku dhuftay inuu ugu soo dhammaaday si guul ah.

Shacabka iyo dowladda Puntland ayuu ugu baaqay inay adkeeyaan amniga iyo kala dambaynta isagoo ka mahadceliyay soo dhaweynta loo sameeyay.

Cabdiwali Cali Gaas ayaa la filayaa in muddo todobaad ku dhow uu joogo magaalada Bosaso iyagoo ka shaqayn doono arrimo la xariira mashruuca ballaarinta Dekadda Bosaso.

Warar ayaa sheegaya in Madaxweyne Gaas sidoo kale xal ka gaari doono mudada uu joogo Bosaso cabashooyin ka imaanayay dadka deegaanka gaar ahaan kuwo kasoo horjeeda in la dumiyo dhismayaal ka agdhow dekadda Bosaso.

Sidoo kale Cabdiwali Cali Gaas ayaa la filayaa inuu la kulmo waxgaradka gobolka iyo bulshada rayidka ah isagoo kala hadli doono waxyaabo la xariira hormarinta kaabayaasha dhaqaalaha iyo amniga.

GAROWEONLINE

Related Articles

Dowladda Puntland oo dardargelisay la macaamilka Beesha Caalamka

Kulanka ayaa looga hadlay mashaariicda horumarin iyo Kuwa bani’aadantinimo ee ay Puntland ka taageeraan iyo Sidii loo xoojin lah wadashaqeynta.

  • Puntland

    18-04-2024

  • 12:52PM

Puntland oo qaadacdey shirka uu iclaamiyay Xasan Sheekh

Madaxweynaha Soomaaliya ayaa 21-ka ilaa 22-ka bishan April u mudeeyay in uu qabsoomo shir madaxeedkan.

  • Puntland

    17-04-2024

  • 06:28AM