Madaxweynaha Puntland oo eedeeyay Villa Somalia [Dhageyso]

Image

GAROOWE, Soomaaliya - Madaxweynaha Puntland, Cabdiwelia Maxamed Cali Gaas ayaa eedeymo culus u jeediyay dowladda Federaalka ah ee Soomaaliya xilli uu jiro khilaaf siyaasadeed oo aan xal laga gaarin.

Gaas ayaa sheegay in khilaafka jira uu yimid markii dowladda dhexe ka gaabisay inay taageerto maamul goboleedyada, sida amniga, caafimaad, waxbarashada iyo adeegyada kale ee dhanka bulshada.

Isagoo wareysi siinayay VOA-da, Madaxweynaha Puntland ayaa xusay in madaxda Villa Somalia ay doonayaan inay isku koobaan awoodaha, daqliga iyo dhismaha dowladnimo iyo xariirka dibadda.

"Arintan la isku hayo ayaa ah is-faham-darro ka jirta dhanka mabaadi'da laga aaminsan yahay Federaalka, oo ah dowladdii dhexe iyo dowlad goboleedyada, ee awoodaha sidee loo qeybsanyaa, khayraadka sidee loo qeybsanayaa, dhismaha dowladnimo ee Federalism-ka qofba waxbuu ka aaminsan yahay," ayuu yiri Gaas.

Gaas oo mudada xileedkiisu uga harsan tahay wax ka yar labo bilood, ayaa ku dhaleeceeyay dowladda hadda jirta in kaliya ay ka warqabta shaqaalaha dowlada iyo ciidamada ku sugan Muqdisho iyo nawaaxigeeda.

“Kaliya shaqaalaha dowlada ee Muqdisho ku sugan iyo ciidamada ayay mushaar siisaa, Miyaysan ahayn shaqaale dowladeed kuwa ku sugan maamul goboleedyadda iyo ciidamada xooga dalka ee Shabeellaha Dhexe ku sugan? Waxay kamid tahay arrimaha laysku hayo,” ayuu Gaas is-waydiiyay xili uu wareysi siinayay Barnaamijka Wicitaanka dhageystaha ee idaacada VOA-da laanteeda Afka Soomaaliga.

- Is-casilaadii Shariif Xasan -

Madaxwayne Gaas oo arrintaan si gaar ah wax looga waydiiyay ayaa ka meer-meertay inuu cadeeyo mowqifkiisa ku aadan is-casilaada iyo hadii tanaasulka Shariifka ay wax u dhimeyso Iskaashiga dowlad goboleedyadda oo haatan ay kusoo hareen saddex Madaxwayne.

“Arrimaha keenay khilaafka ee loo baahan yahay in laysla afgarto ayay kamid tahay,” ayuu kusoo koobay Madaxwayne Gaas, markii wax laga waydiiyay doorashooada Koonfur Galbeed, bixitaanka Shariif Xasan iyo saameynta ay ku yeelan karta madashooda.

Madaxwayne Farmaajo oo todobaadyo kahor weerar afka ah ku qaaday dowlad goboleedyadda, isaga oo ku sugan dalka Suudaanta Koonfureed ku dhaliilay madaxda maamulada inay rabaa in siyaasada arrimaha dibada ay la maamulaan dowlada dhexe xili uu xusay inay heshiis ay la galaan dowlado iyo shirkado.

Madaxwaynaha maamulka 20-sano jirsaday ee Gaas oo umuuqda mid arrintaasi ka jawabaya ayaa cod dheer ku ku difaacay dowlad goboleedyadda, isaga oo ku adkeystay in nidaamka Federaalka oo uu madaxda haatan jirta sheegay inay kasoo horjeedaan uu “xuquuqdaasi siinayo”.

Soomaaliya ayaa nidaamka Federaalka qaadatay 2012-kii kadib markii laga gudbay dowladii ku meel gaarka ahayd ee uu hogaaminayey Shariif Sheekh Axmed, waxaana sameysay maamul goboleedyo ku biiray Puntland oo horey u jirtay.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Shirweynaha 5-aad ee Golaha Guud ee Ururka Warbaahinta Puntland oo ka furmay Garowe

Madaxwayne ku xigeenka Puntland Ilyaas Cusmaan Lugotoor ayaa daahfuray Shirweynaha oo ay ka qeybgalayaan dhinacyo kala duwan.

  • Puntland

    21-04-2024

  • 11:46AM

Dowladda Puntland oo dardargelisay la macaamilka Beesha Caalamka

Kulanka ayaa looga hadlay mashaariicda horumarin iyo Kuwa bani’aadantinimo ee ay Puntland ka taageeraan iyo Sidii loo xoojin lah wadashaqeynta.

  • Puntland

    18-04-2024

  • 12:52PM