Madaxweynaha Puntland oo Garowe ku laabtay

Image
Image
Image
Image
Image
Image
Image
Image
Image
Image
Image
Image
Image
Image
Image
Image

GAROOWE, Puntland- Madaxweynaha Dawladda Puntland Cabdiweli Maxamed Cali Gaas iyo wafdi uu hogaaminayey ayaa maanta 09 December 2017 dib ugu soo laabtay magaalo madaxda Garoowe kadib safar maalmo qaatay oo ku tagay Muqdisho.

Madaxweynaha oo warbaahinta kula hadlay xarunta Madaxtooyada Garoowe ayaa ka warbixiyey shirkii amniga qaranka Soomaaliya, midkii beesha caalamka iyo Madaxda Soomaalida ee ka dhacay Muqdisho, wuxuuna sheegay inay kusoo dhammaadeen guul.

Sidoo kale Madaxweynaha ayaa sheegay in shirka amniga qaranka Soomaaliya uu wax badan kusoo kordhiyey geedi socodka dawladdnimada qaranka, islamarkaana lagu dhisidoono ciidan Soomaaliyeed oo leh astaan qaran, kuwaasoo ka qayb-qaata amniga iyo xasilinta waddanka.

Dhinaca kale Madaxweynaha dawladda Puntland ayaa xusay in 2400 oo ciidanka dawladda Puntland ah ay qayb ka noqon doonaan isku dhafka ciidamada Soomaaliyeed ee hadda la yagleelayo.

Cabdiweli Maxamed Cali Gaas ayaa intaas ku daray in shirka madaxda Soomaalida iyo beesha caalamka looga hadlay arrimaha ammaanka iyo dhaqaalaha.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Puntland oo qaadacdey shirka uu iclaamiyay Xasan Sheekh

Madaxweynaha Soomaaliya ayaa 21-ka ilaa 22-ka bishan April u mudeeyay in uu qabsoomo shir madaxeedkan.

  • Puntland

    17-04-2024

  • 06:28AM

Shacabka Garowe oo loogu baaqay ilaalinta kanaalada biyuhu maraan

Howlgalka xalay ayaa laga sameeyay waddada laamiga ah ee Globol iyo waddada Sagal.

  • Puntland

    16-04-2024

  • 05:26AM