Madaxweynaha Puntland oo Garowe ku qaabiley safiirka Switzerland

Image

December 23, 2014 (GO)- Madaxweynaha Puntland Cabdiweli Maxamed Cali Gaas ayaa saaka xafiiskiisa ku qaabilay safiirka dawladda Switzerland u jooga Soomaaliya Dominik Langen Bakher oo isagu maalintii shalay soo gaaray magaalo madaxda Puntland ee Garoowe.

Kulanka waxaa qodobadii layskula soo qaaday ugu muhiimsanaa sidii Midowga Yurub gaar ahaan dalka Switzerland qayb uga qaadan lahaa mashaariicda horumarinta ee ka socda Puntland iyo weliba sidii Puntland looga taageeri lahaa dhanka dimuqraadiyeynta iyo dowlad wanaaga.

Madaxweynaha Puntland oo cabirayey dareenka dawladda Puntland ka qabto federaaliisamka ka hirgeli doona soomaaliya, ayaa sheegay in Puntland diyaar latahay in waayo aragnimadeeda dawliga ah ee 16-sano jirsatay ku biiriso dawladda dhexe ee Soomaaliya, welibana gacan weyn ka siin doonto sidii dhidibada loogu taagi lahaa maamul goboleedyada kale ee soomaaliya ka hirgeli doona.

Safiirka Dawladda Switzerland Mr.Dominik Langen Bakher ayaa uga mahadceliyey dawladda Puntland sida wanaagsan ee ay u soo dhaweysay ayaa sheegay in uu la qabo fikirka madaxweynaha dawladda Puntland Dr.Cabdiweli Maxamed Cali Gaas , balse loo baahan yahay in la helo siyaasad fadhida oo u dhaxaysa dhinacyada maamulada soomaaliya, taasina ay tahay mida keliya ee soomaaliya horumar la taaban karo ku gaari karto.

Dhanka kale Bakher ayaa mar uu ka hadlayey aragtida guud ee uu ka qabo gabi’ahaanba soomaaliya wuxuu sheegay inay wanaagsanaan lahayd in la sameeyo dood caalami ah oo laga yeesho arrimaha federaalka soomaaliya, talaabadaas oo sida uu tilmaamay gacan weyn ka qaadan karta iyo khilaafka siyaasadeed ee Soomaalida ka dhex jira xal rasmi ah laga gaaro.

Waa markii ugu horeysey ee safiirka dawladda Switzerland u jooga Soomaaliya Dominik Langen Bakher booqasho kusoo gaaro deegaanada Puntland.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Puntland oo Baareysa Duqeyn Diyaaradeed oo Lagu Dilay Oday Dhaqameed Gobolka Sanaag

Qoyska marxuumka ayaa si adag u beeniyay warar lagu faafiyay baraha bulshada oo ku eedeynayay in odaygu xiriir la lahaa kooxda Al-Shabaab.

  • Puntland

    15-09-2025

  • 07:02AM

Ciidamada Puntland oo Guulo Waaweyn Ka Gaaray Howlgalka Ka Dhanka ah ISIS

Sanado badan, buuraleyda Cal-Miskaad ayaa ahayd goobaha ugu muhiimsan ee ay argagixisadu ku dhuumaalaysato.

  • Puntland

    04-09-2025

  • 12:11PM