​Madaxweynaha Puntland oo Garowe ku wajahan

Image

GAROWE, Puntland- Madaxweynaha dowladda Puntland Cabdiwali Maxamed Cali Gaas, ayaa maanta ku wajahan magaalo madaxda Garowe, kadib safar qaadatay in kabadan Labo Asbuuc oo dalka dibadiisa ugu maqnaa.

Gaas ayaa maalmihii u dambeeyay ku sugnaa magaalada Nairobi ee dalka Kenya, halkaas oo maanta kasoo safri doono.

Socdaalka Gaas oo markii hore ahaa dalka China, oo uu kula kulmay shirkado kala duwan, ayaa la sheegay qaybtood inuu lasoo galay hishiisyo.

Marka uu yimaado Garowe, ayaa la filayaa inuu sharaxaad ka bixiyo socdaalkiisa Ethiopia, China iyo Kenya, waxa uga soo qabsoomay, inkastoo marar badan safarro caynkan ah u aaday dalka dibadiisa, kadibna uu warbaahinta ka sheegay inuu ku maqnaa arrimo kor loogu qaadayo amniga iyo kaabayaasha dhaqaalaha, hadana bulshadu xog kama haysa xilliga mashaariicdaasi fuli doonaan.

Balse, Safarka Gaas ayaa kusoo beegmay xilli deegaanada Puntland ka jiraan abaaro laxaad leh, dagaallo iyo marxaladda kala guurka ah ee doorashooyinka dadban ee dowladda Federaalka Somalia, gaar ahaan soo xulista Xildhibaanada Aqalka hoose, kaasoo Puntland looga joojiyay amar kasoo baxay Madaxweyne ku-xigeenkiisa Cabdixakiim Camay, laakiin iyadoo aan digreeto burinaysa tii lagu hore dowladda kasoo bixin dib uga furmaya maanta magaalada Garowe.

Gaas, ayaa mudadii uu hayay talada Puntland, wuxuu galay safarro aad u tiro badan iyadoo inta badan lagusoo beego xilli waddanka ka jirto xaalad adag.

Imaanshihiisa Garowe, ayaa kusoo aadaya xilli ku-xigeenkiisa iyo Guddoomiyaha Barlamanka joogaan magaalada Muqdishu oo kasocdo shir looga hadlayo arrimo ku saabsan doorashada dalka ka dhici doonta bishan aan ku jirno.

GAROWEONLINE

Related Articles

Dowladda Puntland oo heegan sarre gelisay ciidamadda milatariga

Taliyaha ciidamada difaaca dawlada Puntland General Aadan Cabdi Xaaji ayaa askarta u sheegay in ay u diyaar-garoobaan “shaqooyin qorsheysan”.

  • Puntland

    07-05-2024

  • 03:26AM

Puntland iyo Hay'adda FAO oo ka shiray xoojinta xiriir wadashaqeynta

Kulanka ayaa waxaa ka qeybgaley xubno ka mid ah Golaha Xukuumadda Puntland.

  • Puntland

    06-05-2024

  • 01:08PM