Madaxweynaha Puntland oo shirkada DP world kula kulmaya Dubai

Image

Dubai, UAE- Madaxweynaha Puntland oo maalintii shaley 15 October,2016 safar aan horey loo qorsheyn ku soo aadey wadanka Imaraadka Carabta ayaa wararka Warsidaha Garowe Online helayo sheegayaan inuu la kulmayo saraakiil ka tirsan shirkada dekadaha Dubai ' DP World'.

Safarka madaxweynaha Puntland oo ay ku weheliyaan wasiirka dekadaha dhowaan la magacaabey Siciid Maxamad Raage iyo wasiirka ganacsiga Indha-Guran ayaa diirada saaraya sidii shirkada DP looga raaridi lahaa in heshiis dekada Bossaso lagu balaariyo la galaan kaasoo madaxweyne Gaas horey uga baaqsadey.

Warsidaha GO ayaa fahansan in DP World horey ugu soo bandhigtey madaxweyne Gaas heshiis la mid ah midka ay la gashey Somaliland balse uu diidey kadib markii lacago hurumarin ah la waydiiyey heshiiska ka hor taasoo shirkado ka gaabsatey Iney bixiso.

Madaxweyne Gaas ayaa markii uu diidey qorshihii DP World waxaa uu ganacsade Falastiini ah oo degan wadanka Imaraadka Carabta la galey heshiis lagu dhisayo dekada Bossaso kaasoo dib u dhac weyn ku yimid in mashruucaas bilowdo waqtigii loogu talagaley.

Dhinaca kale booqashada madaxweynaha Puntland ee Dubai ayaa wararka Garowe Online helayo sheegayaan iney timid xilli ganacsadaha Falastiiniga ah ee horey heshiis loola galey dhowaan qalab qayb ka ah dhismaha dekada Bossaso ka direy wadanka Imaraadka Carabta.

Dubai World oo heshiis lacag gaareysa 500 milyan dollar la gashey maamulka Somaliland ayaa ah shirkad maamusha dekado gaareya 50 kuwasoo intooda badan ku yaaliin wadamada Africa iyo Asia.

GAROWEONLINE 

Related Articles

Shirweynaha 5-aad ee Golaha Guud ee Ururka Warbaahinta Puntland oo ka furmay Garowe

Madaxwayne ku xigeenka Puntland Ilyaas Cusmaan Lugotoor ayaa daahfuray Shirweynaha oo ay ka qeybgalayaan dhinacyo kala duwan.

  • Puntland

    21-04-2024

  • 11:46AM

Dowladda Puntland oo dardargelisay la macaamilka Beesha Caalamka

Kulanka ayaa looga hadlay mashaariicda horumarin iyo Kuwa bani’aadantinimo ee ay Puntland ka taageeraan iyo Sidii loo xoojin lah wadashaqeynta.

  • Puntland

    18-04-2024

  • 12:52PM