Madaxweynaha Puntland oo si shanqar la’aan ah dib ugu soo noqdey Garoowe

Image

GAROOWE- Madaxweynaha Puntland Cabdiweli Maxamad Cali Gaas ayaa dib ugu soo noqdey maalintii shaley magaalada Garoowe kadib markii booqasho qaadatey dhowr maalmood uu ku tagey dalka Kenya magaalo madaxdiisa Nairobi.

Madaxweynaha Puntland ayaan maalintii shaley aan la hadlin saxaafada sidii caadiga u ahaan jirtey iyadoo wararku sheegayaan inuu toos u aadey aqalka Madaxtooyada ee looga arimiyo maamulkaan.

Gaas ayaa magaalada Nairobi kula kulmi lahaa saraakisha qaar ka tirsan wadamada ka tageera Soomaaliya mashaariicda dib u dhiska kaabayasha dhaqaalaha gaar ahaan midowga Yurub.

Warar aan ka heleyno Dad xogogaal ah ayaa u sheegey GO in safarkaan sidii la rabey uusan ugu soo  guuleysan Madaxweyne Gaas sidii dib loogu bilaabi lahaa mashruuc lagu dhisayey Wadada isku xirta tuulooyinka Jalam  iyo Xarfo kasoo hay’adii dhiseysay ka baxdey Puntland kadib markii la musuqmaasuqey shaqadii halkaas ka socotey.

Midowga Yurub ayaa u direy hay’ad madax banaan iney soo baarto dhibaatooyinka laga sheegayo dib u dhaca ku yimid fulinta mashruucaan iyadoo wararku xusayaan in aan dib loo bilaabi doonin tan iyo inta la shaacinayo warbixintaan.

Cabdiweli Gaas ayaa dib u soo noqoshadiisa kadib ee Puntland ka gaabsadey in shacabka warbixin ka siiyo natiijadii kasoo baxdey kalumadii uu Hotel Intercontinental Nairobi kula qaatey saraakiisha midowga Yurub kaga sugan dalka Kenya.

Kulankaan ayaa dib u dhac ku yimid intii Madaxweyne Gaas joogey Nairobi sababo aan la sheegin iyadoo warsidaha GO uusan xaqiijin in mar kale dib la isu arkey. 

Dhinaca kale Madaxweyne Gaas ayaa dib ugu soo noqdey magaalo madaxda Puntland ee Garoowe xilli xiisada Tukaraq weli kacsan tahay iyadoo qaabka loo wajahayo xaalada Jiida hore fikir ahaan isku khilaafsan yihiin isga iyo ku xigeenkiisa.

Puntland ayaa waxa sanadkaan dhamaadkiisa ka dhacaya doorashada Madaxweynaha iyadoo Bisha June uu furmi doono kafadhigii shaqo ee ugu dambeeyey oo ay yeeshaan xildhibaanada Barlamanka maamulkaas.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Puntland oo qaadacdey shirka uu iclaamiyay Xasan Sheekh

Madaxweynaha Soomaaliya ayaa 21-ka ilaa 22-ka bishan April u mudeeyay in uu qabsoomo shir madaxeedkan.

  • Puntland

    17-04-2024

  • 06:28AM

Shacabka Garowe oo loogu baaqay ilaalinta kanaalada biyuhu maraan

Howlgalka xalay ayaa laga sameeyay waddada laamiga ah ee Globol iyo waddada Sagal.

  • Puntland

    16-04-2024

  • 05:26AM