Madaxweynaha Puntland oo tagay Dhuusamareeb

Image
Image
Image
Image
Image
Image

GALKACYO, Puntland- Wafdi uu hogaaminayo Madaxweynaha dowladda Puntland, Cabdiwali Maxamed Cali Gaas, ayaa maanta gaaray magaalada Dhuusamareeb ee gobolka Galgaduud, kadib safar dhinaca cirka ah oo uu kaga tagay magaalada Galkacyo.

Socdaalka Gaas ee degmada Dhuusamareeb ayaa yimid maalin kadib markii uu ka baaqday safar la qorsheeyay inuu ku tago magaaladaas sababo la xariira baaritaan ay damceen inay ku sameeyaan shaqaalaha diyaarad ay leedahay Qaramada Midoobay oo ka qaadi lahayd Madaarka Cabdullaahi Yuusuf.

Shacabka ku nool Dhuusamareeb ayaa soo dhaweyn ballaaran u sameeyay iyagoo hal ku dhig ka dhigtay "Wiilkeenow kusoo dhawoow magaaladaadii".

Madaxweyne Gaas oo ay socdaalkan ku weheliyaan mas'uuliyiin katirsan golayaasha dowladda, ayaa ka qayb galaya shir madaxda dowladda Federaalka iyo maamul goboleedyada Soomaaliya ay ku leeyihiin magaaladaas oo lagu doonayo in lagu dhammaystiro heshiiska u dhaxeeya Galmudug iyo Ahlu Sunna.

Heshiiska labada dhinac ayaa dhigayay in lagu isku daor labada Barlamanka, ciidamada iyo maamulkaba.

Dhinaca kale, waxaa isla maanta magaalada Dhuusomareeb gaaray mas'uuliyiin uu kamid yahay Madaxweynaha maamulka Koonfur Galbeed Shariif Xasan Sheekh Aadan. Shirkan waxaa ka baaqday oo aan imaanayn Madaxweynaha Jubbaland oo uga baaqday sida lagu sheegay war-saxaafadeed kasoo baxay Madaxtooyada maamulkaas arrimo la xariira shaqooyin uu madaxweynuhu ka qabanayo magaalada Kismaayo iyo socdaal uu ku tago qaybo kamid ah Jubbaland.

Ammaanka magaaladaas ayaa aad loo adkeeyay, waxaana ku sugan Madaxweynaha dowladda Federaalka Soomaaliya iyo mas'uuliyiin katirsan golayaasha dowladda.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Booliska Puntland oo lagala hadlay ka hortaaga xaalufinta deegaanka

Isku xirnaanta Wasaaradda Degaanka iyo Isbedelka Cimilada iyo Hogaanka Booliska ayaa sidoo kale looga hadlay shirkan.

  • Puntland

    27-03-2024

  • 04:28AM

Qardho: Mashruuc horseeday jarista dhir baaxad leh oo laga digay

Wasaaradda deegaanka iyo Isbedelka Cimiladda ee Puntland ayaa ku baaqdey in degdeg loo joojiyo jarista dhirtan.

  • Puntland

    26-03-2024

  • 01:41PM