Madaxweynaha Puntland oo u dhoofaya Muqdisho

Image

GAROOWE, Puntland- Wafdi uu hogaaminayo Madaxweynaha dowladda Puntland Cabdiwali Maxamed Cali Gaas ayaa goor dhow ka duuli doona garoonka diyaaradaha Kanooko ee magaalada Garoowe.

Wafdigan ayaa kusii jeeda magaalada Muqdisho ee caasimadda dalka Soomaaliya oo ka furmayo shir laba geesood ah.

Gaas iyo xubno kamid ah golayaasha dowladda ayaa ka qayb gali doona shirka madaxda maamullada iyo dowladda Federaalka ee u dhawaan iclaamiyay Madaxweyne Farmaajo, kaasoo looga hadli doono arrimo ay kamid tahay khilaafkaadka soo kala dhexgalay dhinacyadaas, amniga dalka iyo la dagaallanka Al Shabaab.

Qodobka ugu muhiimsan ee shirkan ayaa la filayaa in diiradda lagu saaro sidii xal looga gaari lahaa khilaafka siyaasadeed ee maamullada dalka iyo Dowladda dhexe, taasoo ka dhalatay go'aanadii laga qaatay khilaafka khaliijka.

Xiriirka maamullada iyo xukuumadda dhexe ayaa xumaa muddooyinkii dambe kadib markii Dowladda Federaalka go'aan dhex-dhexaad ah ka qaatay khilaafkii Khaliijka iyo farogalin ay ku samaysay maamullada qaybtood.

Qaar kamid ah madaxda maamullada ayaa shalay gaaray Muqdishu, halka madaxda Galmudug, Puntland, HirShabeelle iyo Jubbaland ay isla maanta tagi doonaan Xamar kadib markii ay aqbaleen baaqa Madaxweynaha Soomaaliya.

Wararka uu ka helayo Garowe Online kulankaas ayaa sheegay inuu furi doono Madaxweyne Farmaajo inkastoo uu jiro is-mar ka dhextaagan mas'uuliyiin kasocota labada xafiis ee Madaxweynaha iyo Ra'isal wasaaraha kuwaasoo raadinaya in gobolka Banaadir uu kulankaas qayb ka noqdo, halka wakiillada maamullada ay kasoo horjeeda.

Gobolka Banaadir ayaa lahayn maqaam cad oo ku aadan ka qayb galka arrimaha siyaasadda dalka isagoo aan kamid ah maamullada ku dhismay nidaamka Federaalka.

Lama oga mowqifyada ay madaxdaas la tagi doonaan shirka Kismaayo, balse waxaa xusid mudan inay isku afkaar yihiin maadaama ay dhawaan samaysteen madal, sidoo kale ay isku arkeen Jowhar iyagoo qaatay kulan khaas ah.

Madashan oo uu hogaamiye u yahay Gaas ayaa dhalatay markii madaxda maamullada ay isu arkeen in aysan ka helin dowladda Farmaajo maamuuskii iyo talo galintii ay ku lahaayeen maamulka dalka.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Shirweynaha 5-aad ee Golaha Guud ee Ururka Warbaahinta Puntland oo ka furmay Garowe

Madaxwayne ku xigeenka Puntland Ilyaas Cusmaan Lugotoor ayaa daahfuray Shirweynaha oo ay ka qeybgalayaan dhinacyo kala duwan.

  • Puntland

    21-04-2024

  • 11:46AM

Dowladda Puntland oo dardargelisay la macaamilka Beesha Caalamka

Kulanka ayaa looga hadlay mashaariicda horumarin iyo Kuwa bani’aadantinimo ee ay Puntland ka taageeraan iyo Sidii loo xoojin lah wadashaqeynta.

  • Puntland

    18-04-2024

  • 12:52PM