Madaxweyne Deni oo qaabilay wakiilka cusub ee Qaramada Midoobay

Image
Image
Image
Image
Image
Image

GAROWE, Puntland - Madaxweyne Siciid Cabdullaahi Deni ayaa Qasriga Madaxtooyadda ee Garoowe ku qaabilay Wakiilka Xoghayaha Guud ee Qaramada Midoobey uu dhowaan usoo magacaabay arrimaha Soomaaliya, Ambassador James Swan iyo Wafdi uu hogaaminayo oo ay ka midyihiin Madaxa Hay’adda OCHA Justin Brady, Madaxa WFP ee Soomaaliya Lauren Bukera iyo Masuuliyiin kale.

Kulanka ay yeesheen Madaxweynaha Dowladda Puntland Siciid Cabdullaahi Deni iyo Ergayga Qaramada Midoobey ee Soomaaliya iyo wafdiga uu hogaaminayo, waxaa looga hadlay arrimo ay ka midyihiin Amniga, Siyaasada, Horumarinta iyo Gargaarka Bani’aadanimo.

“Waxaan si wanaagsan uga wada-sheekaysanay arrimo muhim ah oo ah Geedi-socodka dhismaha Dowladdnimada Soomaaliyeed iyo sidii loo heli lahaa mustaqbalka Dowlad mideysan, oo midnimadii Soomaaliya illaalisa sidoo kale Federaalka nidaamkiisa horumarisa.

"Waxaan ku faraxsanahay Puntland doorka ay ka qaadato dhammaan nabadeynta iyo dowlad-dhiska Soomaaliya muddadii dalku uu xaaladda adagg ku jiray.

"Waxaan sidoo kale u cadeynay inaan diyaar unahay inaan kaalinta nagu haboon ka qaadano Geedi-socodka loogu jiro Soomaaliya inay meeshay hada joogto meel ka fiican gaarto” Ayuu yiri, Madaxweyne Siciid Cabdullaahi Deni oo ka warbixiyey kulanka ay la qaateen Wafdiga ka socday Qaramada Midoobey.

Ergayga Qaramada Midoobey ee Soomaaliya Ambassador James Swan ayaa uga mahadceliyey Madaxweynaha Dowladda Puntland Soodhoweynta, Wuxuu sheegay inay sii wadi doonaan wadashaqeynta iyo Mashaariicda Qaramada Midoobey ka fuliso Puntland.

Madaxweynaha Dowladda Puntland Mudane Siciid Cabdullaahi Deni waxaa kulanka Wafdiga Qaramada Midoobey ku weheliyey, Wasiirka Arrimaha Gudaha Federaalka iyo Dimuqraadiyeynta Maxamed Dhabanacad iyo wasiiro kale.

Puntland State House

Related Articles

Dowladda Puntland oo dardargelisay la macaamilka Beesha Caalamka

Kulanka ayaa looga hadlay mashaariicda horumarin iyo Kuwa bani’aadantinimo ee ay Puntland ka taageeraan iyo Sidii loo xoojin lah wadashaqeynta.

  • Puntland

    18-04-2024

  • 12:52PM

Puntland oo qaadacdey shirka uu iclaamiyay Xasan Sheekh

Madaxweynaha Soomaaliya ayaa 21-ka ilaa 22-ka bishan April u mudeeyay in uu qabsoomo shir madaxeedkan.

  • Puntland

    17-04-2024

  • 06:28AM