Madaxweyne Deni oo si adag u difaacay shaqadda xukuumadiisa

Image

GAROWE, Puntland – Madaxweyne Saciid Cabdullaahi Deni ayaa si adag u difaacay shaqadda xukuumadiisa 9-ka bilood jirta xili uu Sabtida maanta ah ka qeybgalay daah-furka kalfadhiga 45aad ee Golaha Wakiiladda Puntland.

Furitaanka kalfadhiga waxaa goobjoog ka ahaa Xildhibaanada Baarlamaanka iyo marti-sharaf kale, oo uu ku jiro Madaxweynihii hore ee Puntland, Senator Cabdiraxmaan Faroole.

Markii uu kulanka soo dhamaaday, Xildhibaanno ayaa codsaday inay su'aallo waydiiyaan Madaxweyne Deni, waxaana su'aasha hore qaatey Xildhibaan Cawil Xasan Daad, oo horey usoo qabtey xilligii ay jirtay Xukuumaddii C/wali Gaas xilka Agaasime ku-xigeenka Madaxtooyadda.

"Mudane Madaxweyne maadaama khilaafka adiga iyo Madaxweyne ku xigeenkaaga soo noq-noqday, oo uu yahay mashaakil dadka niyad xumo ku abuuray, soo adinlama haboona inaad xafiiska baneysaan, inta aannu baarlamaanka jawaab ka bixin dareenka bulshada," ayuu yiri Daad.

Madaxweyne Deni oo u jawaabayay Xildhibaanka ayaa yiri: "Xaqiiqada marka laga hadlayo dadka dalka xogtiisa haya, ma ahan baarlamaanka oo kaliya, ee dalka xogtiisa waxaa haya reer Puntland oo dhan. Markaan xilka qabanayay meesha uu dalka joogay waad og-tihiin. Maanta waxaan sheegeyno ma ahan hadalo warqado ku qoran waa xaqiiq dhab ah oo jirta," ayuu yiri Madaxweyne Deni." 

Deni oo la doortay 8-dii July 2019 kadib doorasho dimoqraadi ah oo ka dhacday magaaladda Garoowe, ayaa wuxuu sharaxay guulaha waaweyn ee illaa hadda ay soo hoyday xukuumadiisa aan halka sano dhameysan.

Amniga

"Amniga meelihii ugu darnaa waxaa kamid ah Boosaaso. Dad badan oo mas’uuliyiin ah waxaan filayaa in ay Boosaaso ka yimaadeen. Waxaan ka rabaa Cawil in uu caddeyn dhaba keeno meesha amni darro darteeda loo quunudey [habaar-tamay]..Masaajidka laga qunudey jawaabtiisaa laga rabaa, kow," ayuu ku daray.

Deni ayaa u sheegay Cawil "in laga rabo inuu keeno cadeynta halka amni darro darteed masjid looga qunuuday, hadii uusan nidaamka dowladnimada raacin uu isaga qaadi doono mas'uuliyadeeda".

Cawil ayaa kamid ahaa maamulkii Gaas, ee ku guul-dareystay inuu bixiyo mushaarka ciidanka taasoo horseeday gadood lagu qabsaday Bangiga Dhexe iyo xaruumo dowladeed oo uu kamid yahay Garoonka Diyaaradaha Garoowe. 

Isagoo ka hadlayay dhinac dib usoo celinta degaanada ka maqan Puntland, Madaxweyne Deni ayaa xusay in ciidamada dowladda ay ku guuleysteen xaqijinta amaanka gobolka Bari iyo inay xoreeyaan degaanno cusub.

"Waxaa dhulka Sanaag oo dhan boqolkiiba 99% marka laga reebo magaaladda Yube iyo inyar oo lamid ah, gacanta Puntland soo gashay mudadii aan xilka haynay…waxaa maanta Wasaaradihii dowladda oo dhan ay joogaan magaaladda Buuhoodle oo markaan xilka nimid khal-khal amni uu ka jiray iyo gacan ku haynta dowladda oo maqneyd," ayuu raaciyey.

Dib u dhiska ciidanka

"Waxaa la sameeyay afar xarumood oo ciidanka lagu tababaro, iyadda oo aan xitaa lahayn hal xirro oo aan xitaa Deyr lahayn…waxaan haatan xero ku jira oo tababar uu u socdaa 520 xerada Xergoble oo maalinta Talaadada aan fureyno…Waxaan lagu guuleystay in degaanada dadka si daahfuran loogu furo oo si mideysan uga shaqeeyaan," ayuu tibaaxay.

Dib u habeynta dhaqaalaha

"Waxaan isbedel uu ku dhacay sumcadii iyo horumarii Puntland…dhinaca dhaqaalaha mushaharkaan bixineynay…Cawil oo ka tirsanaa maamulkii hore agaasinkiisa waxay ku guuldareysteen in ay bixiyaan musharka," ayuu Deni hoosta ka xariiqay.

"Waxaan caddeynayaa in aan is hor istaag ku sameynay habka ay u doonayaan Xildhibaano faro ku tiris ah in ay dowladda maamulkeeda ula wareegaan oo iyaga ay rabaan in ay determine [go’aamin] ku sameeyaan," ayuu xusay.

"Dowladnimada waxay u baahan tahay in la ilaaliyo. Uma baahna in Ashuun lagu adimo. Ma ahi nin lagu cabsiin karo in aan waajibkeyga garan waayay. Waxaan rajeynayaa in shacabka Puntland ay wakiil ka noqdaan horumarka dalkan u soo noqday".

"Waxaan leenahay mowaaqif siyaasi ah, waxaan leenahay mid amni, xukuumadana anagaa mas'uul uga ah madaxweyne annaa u ah oo u doortay oo ilaalinaya, baarlamaanka waxaan rajeynayaa in shaqadiisu ilaashadaan," ayuu kusoo xiray.

MUUQAALKA DENI

GAROWE ONLINE

Related Articles

Shirweynaha 5-aad ee Golaha Guud ee Ururka Warbaahinta Puntland oo ka furmay Garowe

Madaxwayne ku xigeenka Puntland Ilyaas Cusmaan Lugotoor ayaa daahfuray Shirweynaha oo ay ka qeybgalayaan dhinacyo kala duwan.

  • Puntland

    21-04-2024

  • 11:46AM

Dowladda Puntland oo dardargelisay la macaamilka Beesha Caalamka

Kulanka ayaa looga hadlay mashaariicda horumarin iyo Kuwa bani’aadantinimo ee ay Puntland ka taageeraan iyo Sidii loo xoojin lah wadashaqeynta.

  • Puntland

    18-04-2024

  • 12:52PM