Puntland oo mar kale hogaamineysa kacdoonka dowladnimada Soomaaliya

Image
Image
Image
Image
Image

GAROWE, Puntland - Madaxweyne Deni ayaa tababar u soo xiray cutubyo ka tirsan Ciidamada Birmadka Madaxtooyada oo muddo 5 Bilood ah tababar uga socday xerada Ciidamada Daraawiishta ee 54-aad.

Deni oo ugu horeyn salaan sharaf ka qaatey Ciidanka Difaaca Puntland ayaa bogaadiyey dhoolatus ay Ciidamada la tababaray soo bandhigeen.

Wuxuu sheegay in tayeynta Ciidamada iyo inay helaan Mushaharaadkooda si joogto ah ay tahay waxyaabihii ay ku guuleysatay Dowladdu sanadka dhammaada ee 2019.

Waa qeybtii saddexaad ee Ciidamada Birmadka oo tababar loo soo xiro. Tani waxay qayb ka tahay dib-u-habeynta ay dowladda ku waddo hay'addaha ammaanka.

Madaxweynaha oo caddeeyay in ay ka go'an tahay tayadda askarta ayaa kula dardaarmay Ciidamada la tababaray in ay noqdaan kuwo sida ay tahay u guta waajibaadka saaran.

"Waxa ballan nagu ah in aan dalka madax-furasho dambe loo haysan doonin, mid meel istaaga, mid is-madoobeeya, iyo mid reer soo kaxaystaba, cidna kama aqbali doono," ayuu raaciyey.

Isagoo hadalkiisa sii wata, Deni ayaa carabka ku adkeeyay in ay ka go'an tahay in Puntland hormuud u noqoto kacdoon dowladnimo oo ka bilowda guud ahaan Soomaaliya.

"Dadka Soomaaliyeed nasiib darada iyo hogaan xumada ku dhacdey waxaad moodaa in wixii yaraa ee la amaamudey mudadii yaraa ee dadku dowlad ahaa in la rabo in la burburiyo," ayuu xusay.

Wuxuu tibaaxay: "Waxaan rajeynayaa dowladda Puntland siday marar badan hormuud ugu ahaan-jirtay dalka Soomaaliya in ay mar labaad ay hormuud ugu noqoto kacdoon dowladnimo oo ku saleysan ammaan sugan, nidaam maaliyadeed oo sugan, adeeg bulsho oo dhinacyadeeda kala duwan iyo kala dambeyn midnimo lagu tiigsanayo".

Ugu dambeyntii, madaxweyne Deni ayaa hoosta ka xariiqay in xukuumadiisa ay xoojin doonto tiirarka Puntland lagu aas-aasey oo ah adkeynta federaalka iyo midnimadda iyo wadajirka Ummadda Soomaaliyeed.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Shirweynaha 5-aad ee Golaha Guud ee Ururka Warbaahinta Puntland oo ka furmay Garowe

Madaxwayne ku xigeenka Puntland Ilyaas Cusmaan Lugotoor ayaa daahfuray Shirweynaha oo ay ka qeybgalayaan dhinacyo kala duwan.

  • Puntland

    21-04-2024

  • 11:46AM

Dowladda Puntland oo dardargelisay la macaamilka Beesha Caalamka

Kulanka ayaa looga hadlay mashaariicda horumarin iyo Kuwa bani’aadantinimo ee ay Puntland ka taageeraan iyo Sidii loo xoojin lah wadashaqeynta.

  • Puntland

    18-04-2024

  • 12:52PM