Madaxweyne Gaas iyo Danjire Nicholas Kay oo kulmey

Image
Image

March 11, 2015 (GO)- Madaxweynaha Dawladda Puntland Cabdiweli Maxamed Cali Gaas ayaa gelinkii dambe ee maanta xarunta madaxtooyada  ee Garoowe ku qaabilay wakiilka Xoghayaha Guud ee Qaramada Midoobey u qaabilsan arrimaha Somaliya Danjire Nicholos Kay iyo wafdi uu hogaaminayo oo booqasho ku yimi Puntland.

Arrimo dhowr ah ayaa kulanka diiradda lagu saarey, waxaana ugu muhiimsanaa higsiga 2016, sugidda amniga, la-dagaalanka Al-shabaab iyo weliba sidii loo sii dardar gelin lahaa mashaariicda dhanka horumarinta la xiriira ee Qaramada Midoobey ay ka waddo Puntland.

Kullanka markii uu soo dhammaaday ayey labada mas'uul si wadajir ah warbaahinta qaybaheeda kala duwan shir jaraa'id u qabteen, iyagoo si kooban uga warbixiyey waxyaabihii ay isla soo qaadeen iyo go'aamadii kasoo baxay kulankooda.

'' Runtii wada hadalakayagii waxaa uu ahaa mid sifiican u soo dhammaaday, waxaan rajaynaynaa inaanu wada shaqayn dhow yeelano si aan u sii amba qaadno geedi socodka nabada Soomaaliya Insha'allah '' Madaxweyne Gaas ayaa sidaas yiri.

Danjire Nicholos Key ayaa isna dhankiisa Dowladda Puntland uga mahadceliyey sida fiican ee ay usoo dhoweysey, isagoo bogaadiyey horumarka ay Puntland ku tallaabsaneyso marba marka ka dambeysa.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Booliska Puntland oo lagala hadlay ka hortaaga xaalufinta deegaanka

Isku xirnaanta Wasaaradda Degaanka iyo Isbedelka Cimilada iyo Hogaanka Booliska ayaa sidoo kale looga hadlay shirkan.

  • Puntland

    27-03-2024

  • 04:28AM

Qardho: Mashruuc horseeday jarista dhir baaxad leh oo laga digay

Wasaaradda deegaanka iyo Isbedelka Cimiladda ee Puntland ayaa ku baaqdey in degdeg loo joojiyo jarista dhirtan.

  • Puntland

    26-03-2024

  • 01:41PM