Madaxweyne Gaas oo dib Garowe ugu soo laabtey

Image

January 26, 2015 (GO)- Madaxweynaha Puntland  Cabdiweli Maxamed Cali ayaa maanta dib ugu soo laabtay magaalo madaxda Puntland ee Garoowe, kadib safar afar maalmood qaatay oo uu ku tegay Bosaso.

Madaxweynaha waxaa garoonka kusoo dhoweeyey mas'uuliyiin ka tirsan golayaasha dowladda iyo dadweyne kale.

Warshad wayn oo hagaajisa dhagaxa door wayna ka qaadanaysa dhismaha garoonka diyaaradaha Bosaso ayaa madaxweynuhu xarriga ka jaray maanta, ka hor intuusan kas oo amba-bixin magaalada Bosaso.

Gaas ayaa isla markaas soo kormeeray howsha dhisme ee garoonka iyo sida ay u socoto. Wasiirka duulista hawadda Puntland Xasan Xaaji Siciid oo madaxweynaha warbixin ka siiyey arrinta garoonka, wuxuu sheegay in la dhamaystiray derbigii garoonka.

“Madaxweynuhu wuxuu la kulmay shaqaalaha ajinebiga iyo kuwa Soomaalida ahba ee dhisaya garoonka.” Ayuu yiri wasiirka duulista hawadda oo saxaafadda u sheegay booqashada madaxweynaha ee Garoonka.

Madaxweyne Gaas intii uu ku sugnaa Bosaso wuxuu kulamo la qaatay taliyaha daraawiishta Gen. Siciid dheere iyo saraakiil kale oo ay isla soo qaadeen arrimaha Galgala iyo amniga guud.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Shirweynaha 5-aad ee Golaha Guud ee Ururka Warbaahinta Puntland oo ka furmay Garowe

Madaxwayne ku xigeenka Puntland Ilyaas Cusmaan Lugotoor ayaa daahfuray Shirweynaha oo ay ka qeybgalayaan dhinacyo kala duwan.

  • Puntland

    21-04-2024

  • 11:46AM

Dowladda Puntland oo dardargelisay la macaamilka Beesha Caalamka

Kulanka ayaa looga hadlay mashaariicda horumarin iyo Kuwa bani’aadantinimo ee ay Puntland ka taageeraan iyo Sidii loo xoojin lah wadashaqeynta.

  • Puntland

    18-04-2024

  • 12:52PM