Madaxweyne Gaas oo Jawaab Ka Bixin Waayey Balanqaad uu Sameeyey [Sabab]

Image

GAROWE- Madaxweyne Cabdiweli Maxamad Cali Gaas oo wareysi gaar ah siiyey TV RTN ayaa ku guuldareystey inuu ka jawaabo sababta nidaamka doorashada ee tooska ah uga hirgali waayey Puntland tan iyo intii uu talada mamaulkaan hayey, isagoo eeda dusha ka saarey beesha caalamka.

Gaas oo la waydiiyey su'aal aheyd in markii uu olalaha doorashada ku jirey sheegey in hadii sanadka 2019 loo gudbi waayo doorasho Hal qof iyo Hal Cod ah tacabkiisii noqonayo mid khasaara, ayaa la waydiiyey in weli balanqaadkiisii uu ku taagan yahay iyo in wax iska badaleen, waxaana uu ku jawaabey " Waxaa weeye fiiri annagu waxaan la nimi niyad saalax ah iyo niyad wanaag in dalkaanu dimoqarasiyad ka dhacdo, waa muhiim, 2016 ayaan magacaabey guddiga doorashada intaasna shaqo ayey hayeen, nasiib daro ma aanu helin taakulada aan uga baahneyn beesha caalamka."

Madaxweyne Gaas ayaa sheegey in muddo labo sano Guddiga doorashadu wadeen shaqo hirgalinta barnaamijka dimoraqaraadiyada balse gaabis kaga yimid dhinaca bulshada kadib markii ay furan waayeen xisbiyadii mucaaradka ahaa waa sida uu hadalka u dhigaye.

"Waxba kama jiraan waxaas, anigaa EU u tagey anigaa Swiss u tagey anaa meel walba garaacayey oo lahaa ha la taageero guddiga, ha la bilaabo dhaqaalihii loogu talagalay, beesha caalamku hadda waxay aad ugu mashquulsan yihiin doorasho qaran oo dalkoo dhan ka dhacda, uma soo jeedaan waqtigaan kuwo gobolada." Waxaa yiri Gaas isagoo ka jawaabaya su'aal la waydiiyey oo aheyd in isagu ka gaabiyey hirgalinta barnaamijkaan halka beesha caalamkana diyaar u aheyd in muddo ah.

Cabdiweli Maxamad Cali Gaas oo doorashada Puntland ku guuleystey sanadkii 2014 ayaa dowladii ka horeysay ee Madaxweyne Farole waxay diyaarisay dhamaan shuruucdii suurtagalin laheyd in doorasho madax banaan ka dhacdo maamulkaan sanadka 2019. Gaas ayaa kamid ahaa siyaasiyiin is-hortaagtey hirgalinta nidaamkaan sanadihii 2012-2013 kuwasoo ku dhiirigaliyey in shacabka qaarkiis ka horyimaado hirgalinta nidaamkaan.

Dhinaca kale Hay'ada Interpeace oo maamuleysay hirgalinta barnaamijka doorashada Puntland ayaa xafiiskeeda si rasmiya u xirtey dabayaaqadii sanadkii 2015 kadib markii Madaxweyne Gaas iyo maamulka uu madaxda ka yahay ku guuldareysteen in barnaamijkaan ka dhaqaajiyaan halkii uu joogey. Sida warar lagu kalsoon yahay sheegayaan wadamada deeqda bixiya kuwasoo hay'ada Interpeace soo marinayey mashaariicda lagu hirgalinayo barnaamijkaan ayaa lacagtii loogu talagaly Puntland u weeciyey maamulka Somaliland si looga caawino diwaangalinta dadweynaha codeynaya.

Madaxweyne Gaas oo wareysigii uu siiyey RTN TV ku qirey in guddiga doorashada Puntland magacaabey muddo Labo Sano ah "2016" kadib ayaa waxaa xilkii iska casiley Guddoomiyihii ugu horeeyey ee Guddigaan loo doortey AHN Axamad Kismaayo. AHN Axamad Kismayo ayaa shaqada ka tagey kadib markii uu arkey in Madaxweyne Gaas uusan diyaar u aheyn in barnaamijkaan taabagalo taasoo sababtey in Guddigaan noqdo mid fadhiid ah.

Sida Warsidahaan fahansan yahay Madaxweyne Gaas ayaa xubnin kamid ah Guddiga doorashada oo xafiiskiisa kula kulmey xilli uu ka cabanayey dhaqaale xumada haysata ayaa waxaa u sheegey in uusan dakhli u aheyn hirgalinta barnaamijkaan iyadoo magacaabistooda ku timid kadib markii culeys kaga yimid beesha caalamka.  

Sanadihii u dhexeeyey 2015-2016 waxaa magaalada Garowe booqashooyin kala duwan ku baxshey madax ka tirsan midowga Yurub iyo xafiiska Qaramada midoobey u qaabilsan arimaha Soomaaliya kuwasoo Madaxweyne Gaas culeys ku saarayey inuu magacaabo Guddiga doorashada islamarkaana bilaabo hirgalinta barnaamijkaan.

Puntland ayaa 20 jirsatey iyadoo golaheeda Barlamanka ku soo dooran doonta sanadka 2019 nidaamka qabiiliga ah kaasoo beelahu soo xulan doonaan xildhibaano tiradoodu tahay 66.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Dowladda Puntland oo dardargelisay la macaamilka Beesha Caalamka

Kulanka ayaa looga hadlay mashaariicda horumarin iyo Kuwa bani’aadantinimo ee ay Puntland ka taageeraan iyo Sidii loo xoojin lah wadashaqeynta.

  • Puntland

    18-04-2024

  • 12:52PM

Puntland oo qaadacdey shirka uu iclaamiyay Xasan Sheekh

Madaxweynaha Soomaaliya ayaa 21-ka ilaa 22-ka bishan April u mudeeyay in uu qabsoomo shir madaxeedkan.

  • Puntland

    17-04-2024

  • 06:28AM