Madaxweyne Gaas oo laga qaaday Waraysi uu diyaarsaday

Image

BOSASO, Puntland- Wariye katirsan Radio Daljir ayaa Madaxweynaha Puntland ka qaaday Waraysi uu kaga hadlayay xaaladda waddanka iyo wax-qabadka xukuumaddiisa, kaasoo ka duwanaa waraysiyadii horay looga qaadi jiray.

Madaxweyne Cabdiwali ayaa muddo dhan Soddon daqiiqo ka hadlayay arrimo kala duwan xilli su'aalaha la weydiinayay ahaayeen kuwo aan taabanayn xaqiiqooyinka jira iyo arrimaha u baahan in shacabka looga jawaabo.

Mudane Cabdiwali oo ku sugan magaalada Bosaso ayaa kawaramay, xaaladda amni, midd dhaqaale, siyaasadda iyo hormarinta kaabayaasha dhaqaalaha Puntland.

Isagoo kawaramaya xaaladda Amni iyo shaqaaqooyinkii dhacayay, wuxuu Cabdiwali Xusay in nabad-galyada deegaanada Puntland tahay mid aad u wanaagsan, balse ay jiraan dhacdooyin kala duwan, kuwaasoo uu kasoo qaaday waxyaabo aan saas u weynayn, balse la buun-buuninayo.

“Puntland waxay u baahan tahay Midnimo iyo Wadajir, uma baahna buuq, xasarad, uma baahna nin dan leh inuu dadka kiciyo, waxay u baahan tahay, iyadoo mid ah oo danteeda raadsato, degenaansho, nabadgelyo iyo horumar,”ayuu yiri Madaxweyne Gaas.

Xarigga Nabaddoon Xarago ayuu soo hadal-qaaday, wuxuuna xusay inuu dambi ka galay dowladda islamarkaana uu ka shaqeeyay arrimo aan waxba ka khusayn, isagoo ku goodiyay in lamarsiin doono ciqaabta uu mutaystay sharcigana la horgayn doono.

Wuxuu soo hadal-qaaday Kaabayaasha dhaqaalaha iyo dowladda uu hogaamiyo, waxay ka qabatay, isagoo tilmaamay in dhiseen Garoomo Diyaaradeed, Waddooyin, Xarumo hay'adaha dowladdu ku shaqayaan, iyo ballanqaadyo ay kamid tahay inuu ballaarinayo dekedda Bosaso.

Arrintan ayaa sida dadka reer Puntland ka ogyihiin, waxaa shaqooyinkaas uu sheegay ahaayeen kuwo horay uga tagtay mashaariicdooda xukuumaddii hore ee Farole hogaaminayay, halka xarumo kale lagu dhisay deeqo iyo lacago shicibku iska aruriyeen.

Waxaa kamid ah Garoonka Bosaso, oo markii ay xilka wareejisay dowladdii hore ay dhimanayd oo kaliya in la xayaysiiyo cidda dhisay madaarka, halka Dhismayaasha uu soo hadal-qaaday ee ay kamid tahay xarunta Wasaaradda Xannaanada Xoolaha Puntland ee magaalada lagu dhisay kharash laga helay dhismihii hore wasaaraddaas oo laga iibiyay shirkad (Private Company).

Waddooyinka uu Madaxweynuhu carrabka ku dhuftay ee Ceel-daahir kamid ahayd ayaa iyadana lagu dhisayaa lacago ay iska aruriyeen bulshada Puntland taasoo xitaa gaartay in lacago laga qaado ardayda dhigatay Iskuullada, waloow uusan Madaxweynuhu dhammaan sheegashooyinkiisa ee xukuumadda uusan ka hadlin doorka dowladdu ku lahayd.

Dekedda Bosaso iyo ballaarinteeda ayuu carrabka ku dhuftay, wuxuuna sheegay in dhawaan ay ka shaqayn doonaan sidii looga dhigi lahaa mid casri ah.

Warsidaha GO ayaa fahamsan in xukuumadda Gaas ku fashilantay sidii loo hormarin lahaa dekedda, iyadoo horay hishiis ula gashay nin Falastiini ah oo howshaas ka shaqaynaya, balse ku guul-darraystay inuu qabto.

Horay Madaxweyne Gaas ayaa qandaraaska dekedda uga diiday inuu siiyo shirkadda DP World taasoo markii dambe damaceedii u wareejisay magaalada Ber-bera, waxaana hadda uu Cabdiwali Qorshaynayaa inuu shirkadda laga leeyahay Imaaraadka ka bixiso lacagahii uu ka qaatey ganacsadaha Falastiiniga ah madaama heshiiskiisii darishada laga tuurey halka dhinaca kale uu xaawilayo in heshiis la galo DP World kaasoo baaxadiisu ka hooseyso midka Somaliland kala saxiixdeen, waxaana jira safar uu dhowaan dalkaas ku tagi doono.

Dhaliilaha loo jeediyo xukuumaddiisa ayuu soo hadal qaaday, wuxuuna sheegay inay yihiin dowlad dulqaad badan, isagoo si gooni ah uga jawaabay haddallo ay warbaahinta waqtiyo kala duwan mariyeen Madaxweynihii hore Puntland Cabdiraxmaan Farole iyo Wasiirkii hore wasaaradda Maaliyadda Faarax Cali Shire.

"Runtii Madaxweynihii hore Puntland sharaf iyo Karaamo ayuu naga mudanyahay aniga iyo shacabka Puntland, waad la socoteen waxaan kusoo daray aqalka sare si  uu waayo aragnimadiisa iyo shaqadiisa ugu biiriyo dowladda Somalia anagana noogu adeego,"Ayuu yiri mudane Gaas.

Farole ayaa kamid ahaa dadkii sida weyn uga shaqeeyay nidaamka Federaalka Somalia, wuxuu sidoo kale kamid ahaa xubnihii diidanaa in dib loogu laabto habka wax ku qaybsiga beelaha, taasoo ay wadeen Cabdiwali iyo Ra'isal wasaarihii hore Somalia Cumar Cabdirashiid oo Garowe ku kala saxiixday hishiis sannadkii hore.

Cabdiraxmaan Farole ayaa sidoo kale dhawaan ka hadlay isbadalkii siyaasadeed ee ka dhacay Somalia iyo doorkii ay ku lahaayeen Madaxda maamullada Somalia, waxaana hadalkaas oo waadax ka dhigayay xaqiiqooyinkii jiray, taasi waxay keentay inay ka xumaadaan xukuumadda Gaas iyo shakhsiyaad taageersan oo hadalkaas dhinac kale u rogay.

Mar uu arrinta  Faarax Cali Shire, ka hadlayay wuxuu sheegay "Hade wasiirkii Maaliyadda ayuu ahaa, taladana waxaan qabanay iyadoo aan la bixin mushaharka shaqaalaha 12 bilood meel ha ku sheego isagu".

Madaxweynuhu kama uusan hadlin sababta ay xukuumaddiisu u bixin weyday mushaharka ciidamada iyo shaqaalaha dowladda oo keenay in cabashadeed soo laab-laabato.

Safarradiisa joogtada ah ee dibada iyo dalka uu ugu baxo ayuu ka hadlay, wuxuuna sheegay inay la xiriiraan u adeegista shacabka iyo tan qaranka Somalia, isagoo si cad u tilmaamay inay ka shaqeeyeen isbadalka ka dhacay Somalia.

Balse sida laga warqabo Madaxweyne Gaas ayaa ka mid ahaa xubnihii dadaalka iyo loollanka ugu jiray sidii uu talada ugu soo laaban lahaa Madaxweynihii hore ee laga guulaystay Xasan Sheekh.

Halka Safarrada dibadda ee inta badan ugu baxo dalalka dariska ah aysan jirin miro dhal ay sameeyaan iyo mashaariic laga dhaxlay socdaalkiisa isagoo inta badan warbaahinta ka sheegay inay soo galen wado-hadallo lagu hormarinayo kaabayaasha dhaqaalaha Puntland.

Waraysigan oo lagusoo beegay xilli dowladda Puntland ku fashilantay inay wax ka qabato abaaraha, amniga iyo dhaqaalaha ayaa yimid xilli maalmaha ay jireen gadoodyo ciidamada difaacu samaynayeen kadib markii ay waayeen xuquuqdooda, kuwaasoo qabsaday xarumo muhiim ah sida tan Barlamanku ku shaqeeyaan.

GAROWEONLINE

Related Articles

Shirweynaha 5-aad ee Golaha Guud ee Ururka Warbaahinta Puntland oo ka furmay Garowe

Madaxwayne ku xigeenka Puntland Ilyaas Cusmaan Lugotoor ayaa daahfuray Shirweynaha oo ay ka qeybgalayaan dhinacyo kala duwan.

  • Puntland

    21-04-2024

  • 11:46AM

Dowladda Puntland oo dardargelisay la macaamilka Beesha Caalamka

Kulanka ayaa looga hadlay mashaariicda horumarin iyo Kuwa bani’aadantinimo ee ay Puntland ka taageeraan iyo Sidii loo xoojin lah wadashaqeynta.

  • Puntland

    18-04-2024

  • 12:52PM