Madaxweyne Gaas oo Qardho tagay kadib Kormeerkiisii Ceel-daahir

Image
Image
Image
Image
Image
Image
Image
Image
Image
Image
Image
Image
Image
Image
Image
Image
Image
Image
Image
Image
Image
Image
Image
Image
Image
Image
Image

QARDHO, Puntland- Madaxweynaha Puntland Cabdiwali Maxamed Cali Gaas iyo Wafdi uu hogaaminayo ayaa maanta soo gaaray magaalada Qardho ee xarunta gobolka Karkaar kadib socdaal uu kaga yimid magaalada Boosaaso.

Cabdiwali Gaas, waxaa socdaalkiisa Qardho ku weheliya mas’uuliyiin katirsan golayaasha dowladda isagoo kahor intuusan imaan xarunta Karkaar soo booqday dhismaha wadada Ceel-daahir.

War-saxaafadeed kasoo baxay Madaxtooyada Puntland, ayaa lagu sheegay in wadadaas dhismaheedu meel wanaagsan marayo islamarkaana Boqolkiiba Kontan iyo Shan la dhammaystiray. “ Madaxweynaha iyo weftiga uu hogaaminayey kormeerkooda ku gaadheen 5km oo dhanka galbeed ka xigta magaalada Ceel-daahir oo iyadu ah goobta laga bilaabay wadada, 55km ayaa wadada loo dhamaystiray caro-tuur iyo jayba, 15km oo kamid ahna isbuucan gudihiisa ayaa la dhigi doonaa caro-tuurka iyo jaygaba, guud ahaan wadada inta lagashaqeeyey ayaa ah 70km.”

Gaas ayaa sidoo kale soo maray degmada Carmo oo mudo kooban joogay, wuxuuna la kulmay wax-garadka iyo qaybaha kala duwan ee bulshada iyagoo kawada hadlay arrimo uu amnigu kamid ahaa.

Soo dhaweyn fiican ayaa loogu sameeyay degmada Qardho isagoo ka madceliyay sida loogu maamusay xarunta gobolka Karkaar, "Dad-weynaha reer Qardho, maamulka gobolka iyo kan degmadaba waxaan aad idiinka mahad celinayaa soo dhoweyntii quruxda badnayd ee aad nagu soo dhoweyseen, runtii aad ayaan uga mahadnaqayaa iyadoo jimce ah, waa wanaag iyo soo dhoweyn aan uga baranay dad weynaha degmada Qardho iyo guud ahaan gobolka Karkaarba"ayuu yiri Madaxweynuhu.

Dhinaca kale Madaxweynaha Puntland, ayaa dhagax dhigay cisbitaalka weyn ee degmada Qardho, kaas ballaarin lagu samayn doono qayn kamid ah cisbitaalka oo la dhisay sanaddii 1960-kii, waxaana uu Madaxweynuhu Xusay in dhanka caafimaadka uu gobolka Karkaar aad uga wanaagsan yahay hadana loo baahan yahay in markasta kor looqaado, lagana sii wanaajiyo meesha uu hadda joogo.

"Sharaf-weyn bay ii tahay inaanu dhagax dhigno balaadhinta cisbitaalka oo baahi weyn loo qabo, adeega caafimaad ee gobolka runtii aad buu u wanaagsan yahay, haddana waxaan rabnaa intaas inuu
kasii fiicnaado, kasii wanaagsanaado, maamulka cisbitaalka, maamulka caafimaad ee gobolka shaqo fiican bay qabteen waana ku amaanaynaa" ayuu yiri madaxweynaha dawladda Puntland.

"Dhismaha Cisbitaalka waxaa iska kaashan doona dawladda, dadweynaha iyo maamulka gobolka Karkaar, waxaan rajaynaynaa inaanu helno cisbitaal wanaagsan, waxaan rajaynaya inuu ku dhammaado wakhti aan dheerayn, adeega caafimaad ee uu u hayo gobolka iyo degmadaba uu horumaro ayaan rajaynayaa" ayuu yiri Madaxweynaha dawladda Puntland.

Booqashadan ayaa imaanaysa xilli Madaxweyne Gaas muddo ku sugnaa gobolka Bari xilli dowladdu ku mashquulsanayd wareejinta mashruuca lagu ballarinayo dekedda Boosaaso.

GAROWE ONLINE 

Related Articles

Dowladda Puntland oo dardargelisay la macaamilka Beesha Caalamka

Kulanka ayaa looga hadlay mashaariicda horumarin iyo Kuwa bani’aadantinimo ee ay Puntland ka taageeraan iyo Sidii loo xoojin lah wadashaqeynta.

  • Puntland

    18-04-2024

  • 12:52PM

Puntland oo qaadacdey shirka uu iclaamiyay Xasan Sheekh

Madaxweynaha Soomaaliya ayaa 21-ka ilaa 22-ka bishan April u mudeeyay in uu qabsoomo shir madaxeedkan.

  • Puntland

    17-04-2024

  • 06:28AM