​Madaxweyne ku-xigeennada Puntland iyo Galmudug oo kulmay [Dhagayso]

Image
Image

GALKACYO, Puntland- Madaxda maamullada Puntland iyo Galmudug ayaa maanta kulan hordhac ah ku yeeshay Garoonka diyaaradaha Cabdullaahi Yuusuf ee magaalada Galkacyo kaasoo looga hadlayay arrimo ay kamid  ahayd amniga gobolka iyo dagaallo soo noq noqday oo dhexmarayay beelo walaalo ah.

Kulankan oo ay shir guddoominayeen Madaxweyne ku-xigeennada labada maamul ayaa diiradda lagu saaray sidii loo xallin lahaa arrimaha ka taagan gobolka islamarkaana loo sii amba qaadi lahaa heshiisyadii ay horay u gaareen labada dhinac.

Shirkan oo saxaafaddu dibadda ka joogtay, waxaa ku sugnaa wasiirro katirsan labada Puntland iyo Galmudug, saraakiisha amniga, maamullada degmooyinka iyo guddoonka gobolka ugu magacaaban labada dhinac.

Markii uu soo dhammaaday shirkaas waxaa saxaafadda la hadlay labada Madaxweyne ku-xigeen, kuwaasoo sheegay in lagu heshiiyay arrimihii ajandaha u ah kulanka maanta islamarkaana ay isugu imaan doonaa barri shir kale oo lagu lafo guri doono qodobo xasaasi ah oo ay ku jirto in la furo waddooyinka xiran ee magaalada Galkacyo.

Madaxweyne ku-xigeenka Galmudug Maxamed Xaashi Cabdi (Carabey), oo hadalka ku horeeyay ayaa xusay in shirkan diiradda lagu saaray sidii loo dhammaystiri lahaa qodobada ka harsan heshiiskii hore gaar ahaan in la kala qaado ciidamada isku hor fadhiya gobolka iyo sidii loo eegi lahaa waxa ka qabsoomay heshiiskii hore.

Carabey, ayaa intaas ku daray in rajo wanaagsan ka qabaan sidii guul looga gaari lahaa xiisadda Mudug isagoo codsaday in la joojiyo colaadda u dhaxaysa dadka ood wadaagta ah ee ku nool gobolka.

Madaxweyne ku-xigeenka Puntland, Cabdixakiim Cabdullaahi Xaaji Cumar Camey oo ayidey hadalka Carabay ayaa intaas ku daray in dadka gobolka ku nool ee labada dhinac tijaabiyaan faa’iidada ay nabaddu leedahay, isagoo warbaahinta ka codsaday inay joojiyaan hadalada aan munaasabad ku ahayn shirka kasocda magaalada Galkacyo.

Madaxda maamullada Puntland iyo Galmudug oo dhowr jeer kulmay ayaa gaaray heshiisyo inta badan aan loo fulin sidii loogu ballamay, waxaana dhacay dagaallo iyadoo ay u dambaysay mid u dhaxeeyay dad xoolo dhaqato ah oo kasoo jeeda labada maamul.

Madaxweyne ku-xigeenka Puntland ahna ku simaha Madaxweynaha ayaa xarunta gobolka Mudug u tagay sidii loo dhammayn lahaa xiisadaha soo noq-noqday, waxaana shirka barri la filayaa in laga soo saaro qodobo ku saabsan qaabkii loo nabadayn lahaa magaalada Galkacyo iyo guud ahaan gobolka.

GAROWEONLINE

Related Articles

Booliska Puntland oo lagala hadlay ka hortaaga xaalufinta deegaanka

Isku xirnaanta Wasaaradda Degaanka iyo Isbedelka Cimilada iyo Hogaanka Booliska ayaa sidoo kale looga hadlay shirkan.

  • Puntland

    27-03-2024

  • 04:28AM

Qardho: Mashruuc horseeday jarista dhir baaxad leh oo laga digay

Wasaaradda deegaanka iyo Isbedelka Cimiladda ee Puntland ayaa ku baaqdey in degdeg loo joojiyo jarista dhirtan.

  • Puntland

    26-03-2024

  • 01:41PM