Madaxweyne Saciid Cabdullaahi Deni oo magacaabay mas'uul cusub

Image

GAROWE, Puntland - Madaxweyne Saciid Cabdullaahi Deni ayaa waxa uu magacaabay Wasiiru Dowlaha Wasaaradda Warfaafinta, Isgaarsiinta iyo Dalxiiska, sida ku cad wareegto kasoo baxday xafiiskiisa.

Cabdifataax Nuur Axmed [Ashkir] oo xilkaas loo dhiibay ayaa waxaa lagu sheegay digreetada oo nuqul kamid ah uu helay Garowe Online in lagu xushay aqoontiisa iyo Khibradiisa shaqo.

HOOS KA AKHRISO WAREEGTADDA

Madaxweynaha Dowladda Puntland Mudane, Siciid Cabdullaahi Deni ayaa Xeer Madaxweyne Lr. 87 oo ku taariikheysan 28da Oktoobar 2019, ku magacaabay Wasiiru Dowlaha Wasaaradda Warfaafinta, Isgaarsiinta iyo Dalxiiska.

Madaxweynaha Dowladda Puntland

Markuu arkay: Dastuurka Dowladda Puntland

Markuu tixgeliyey: Aqoontiisa iyo Khibradiisa shaqo

Wuxuu xeeriyey:

Waxaa Cabdifataax Nuur Axmed (Ashkir) loo magacaabay Wasiiru Dowlaha Wasaaradda Warfaafinta, Isgaarsiinta iyo Dalxiiska.

Xeerkani wuxuu dhaqan gelaya markuu Madaxweynuhu saxiixo, wuuna saxiixay.

DHAMAAD

XAFIISKA WARFAAFINTA MADAXTOOYADA DOWLADDA PUNTLAND.


Mas'uulka cusub oo hambalyo ku aadan magacaabistan loogu diray meelo kala duwan oo ay bulshadda ku kulanto ayaa waxaa lagu wadaa in dhowaan loo dhaariyo jagada loo magacaabay.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Ciidamada Puntland oo weeraray goob uu ku sugan yahay ku-xigeenka Hogaamiyaha Daacish

Wararka ayaa intaasi ku soo beegmaya iyadoo ciidamada Puntland ay si weyn uga go’an tahay in ay burburiso xarumaha muhiimka ah.

  • Puntland

    13-10-2025

  • 12:45PM

Ciidamada Puntland oo Guulo Weyn Ka Gaaray dagaalka Buuraleyda Cal-Miskaad

Hawlgalka ayaa sidoo kale lagu helay meydadka dagaalyahanno la rumeysan yahay in lagu dilay duqeymo uu qaaday AFRICOM.

  • Puntland

    06-10-2025

  • 01:11PM