Magacyadda xubnaha guddiga gurmadka roobabkii Puntland

Image

GAROWE, Puntland - Dowladda Puntland ayaa si rasmi ah u bilaabeysa gurmadka loo fidinayo dadka waxyeeloobay roobabkii u dambeeyay ee ka da'ay goboladda maamulkaas.

Madaxweyne ku xigeenka, Axmed Cilmi Cismaan [Karaash] ayaa magacaabay guddiga gurmadka degdeg ah oo isugu jira Wasiiro, Xildhibaano, Culimo iyo Bulshada Rayidka ah.

Hoos ka akhriso wareegtadda

Madaxweyne ku-xigeenka Dowladda Puntland ahna kusimaha Madaxweynaha Mudane, Axmed Cilmi Cismaan Karaash oo ka duulaya xaaladda hada taagan ee roobabka lixaadka ee sababay burburka wadooyinka guud ahaan Puntland gaar ahaana Gobolka Gardafuu, wuxuu magacaabay guddiga gurmadka deg dega ah oo isugu jira Wasiiro, Xildhibaano, Culimo iyo Bulshada Rayidka ah ee Puntland.

Guddigaasi oo ka shaqeyn doona sidii loo gaarsiin lahaa gurmad shacabka ay waxyeeleeyeen Roobabku iyo wax ka qabashada jidadka go'ay.

Waxay kala yihiin Guddigaasi:-

1. Axmed Bashiir Muuse, Wasiirka Wasaaradda Howlaha Guud iyo Guriyeeynta Puntland (Guddoomiyaha Guddiga).

2. Faarax Maxamuud Cawaash, Wasiirka Kalluumeysiga iyo Kheyraadka Badda Puntland
(Xubin)

3. Cabdiweli Mire Xirsi, Wasiir ku-xigeenka Arrimaha Gudaha, Federaalka iyo Dimuqraadiyeynta (Xubin)

4. Xildhibaan Cabdullaahi Yuusuf Muuse (Xubin)

5. Xildhibaan Muuse Siciid Xasan (Xubin)

6. Shiikh Fu'aad Maxamuud Xaaji Nuur (Xubin)

7. Maxamed Yuusuf Jaamac Tigey (Xubin)


Meelaha xaaladdaha adag ka jiraan ayaa waxaa kamid ah Gobolka Gardafuu, halkaas oo la sheegayo in isu socodka uu yahay mid aad u adag maadaama wadooyinka ay go'een.

MUUQAALKA KARAASH

GAROWE ONLINE

Related Articles

Shirweynaha 5-aad ee Golaha Guud ee Ururka Warbaahinta Puntland oo ka furmay Garowe

Madaxwayne ku xigeenka Puntland Ilyaas Cusmaan Lugotoor ayaa daahfuray Shirweynaha oo ay ka qeybgalayaan dhinacyo kala duwan.

  • Puntland

    21-04-2024

  • 11:46AM

Dowladda Puntland oo dardargelisay la macaamilka Beesha Caalamka

Kulanka ayaa looga hadlay mashaariicda horumarin iyo Kuwa bani’aadantinimo ee ay Puntland ka taageeraan iyo Sidii loo xoojin lah wadashaqeynta.

  • Puntland

    18-04-2024

  • 12:52PM