Puntland oo Ka Digtay Hub ay Dowladda Federaalku Geysay Deegaankeeda
GAROWE - Dowladda Puntland ayaa digniin adag ka soo saartay hub ay Dowladda Federaalka Soomaaliya ku daabushay gudaha deegaannadeeda, kaas oo ujeeddadiisu tahay in lagu kiciyo dagaallo sokeeye, iyadoo la adeegsanayo siyaasiyiin kasoo jeeda deegaanka, oo qaar xilal horey uga soo qabtay.
Sida ku cad war-saxaafadeedka Wasaaradda Amniga, Puntland ayaa si degdeg ah u mamnuucay in deegaannadeeda ay ku sugnaadaan ciidamo aan ka tirsanayn kuweeda, sidoo kale waxaa la joojiyay in madaxda ay magacawdo dowladda Federaalka ee waqtigeedu dhamaadey ay yimaadaan deegaanadeeda.
Puntland waxay tilmaamtay in uu jiro qorshe weyn oo ay iska kaashanayaan afar dowladood oo shisheeye iyo Dowladda Federaalka oo fulinta iska leh. Hadafka qorshahan ayaa ah in la hubeeyo qabaa'ilka si ay u dagaalamaan, loona burburiyo nabadda Puntland.
Qorshayaashan oo kale ayaa la sheegay in la isku dayay 26-kii sano ee la soo dhaafay balse ay fashilmeen ka dib markii laga adkaaday kooxihii horkacayay.
Madaxweyne Xasan Sheekh ayaa sannadkii hore ee 2025-ka ku faanay in maleeshiyaad ka dhex qortay gudaha Puntland, iyadoo uu rabo inuu ku rido dowladda uu hogaamiyo Madaxweyne Deni oo khilaaf siyaasadeed kala dhaxeeyo Villa Somalia.
Puntland waxay si cad u sheegtay in ujeedka duullaanka dowladda Soomaaliya uu yahay in la baabi'iyo xasiloonideeda, arrintaasna aysan marnaba aqbali doonin.
Dowladda Soomaaliya ee mudo-xileedkeedu ku ekaa 15kii May 2026, ayaa burburisay maamulkii Koonfur Galbeed, iyadoo si xoog ah xukunka uga tuurtay Madaxweyne Lafta-Gareen, waxayna qalalaase ka hurinaysa maamulada kale, sida Galmudug, HirShabeelle iyo Puntland, oo ay doonayso inay ka rido madaxda hadda ka taliya.
GAROWE ONLINE