Manhajka waxbarashada Puntland oo la ansixiyey

Image

January 25, 2015 (GO)- Kulan labadii maalmood ee ugu dambeeyey ka soconayey magaalada Garowe ayaa lagu ansixiyey manhajka cusub ee waxbarashada Puntland.

Kulanka waxaa kasoo qayb galay ergooyin 180 xubnood ka kooban oo ka kala yimid dhammaan gobolada Puntland. 

Wasiir ku-xigeenka Waxbarashada Puntland Cali Xaaji Warsame oo markii uu kulankaasi so oo xirmey u waramay Radio Garowe ayaa sheegay in manhajkani yahay mid dhaxalgal ah, kaasoo diyaarintiisa waqti, maskax iyo dhaqaale badan la geliyey islamarkaana ay ka qayb qaateen  khubaro badan oo dhanka waxbarashada ah. 

Manhajka maanta la ansixiyey waxaa la diyaarinayey laga soo bilaabo sanadkii 2011 markaasoo la dejiyey qaab-dhismeedka manhajka waxbarasho ee hada lagu darso dugsiyada hoose, dhexe, sare ee Puntland. 

GAROWE ONLINE

Related Articles

Dowladda Puntland oo dardargelisay la macaamilka Beesha Caalamka

Kulanka ayaa looga hadlay mashaariicda horumarin iyo Kuwa bani’aadantinimo ee ay Puntland ka taageeraan iyo Sidii loo xoojin lah wadashaqeynta.

  • Puntland

    18-04-2024

  • 12:52PM

Puntland oo qaadacdey shirka uu iclaamiyay Xasan Sheekh

Madaxweynaha Soomaaliya ayaa 21-ka ilaa 22-ka bishan April u mudeeyay in uu qabsoomo shir madaxeedkan.

  • Puntland

    17-04-2024

  • 06:28AM