​Maraakiib Jariif ah oo Xeebta Bosaso ku sugan [Sawirro]

Image
Image
Image

BOSASO, Puntland- Maalmahan waxaa dekedda Bosaso ee xarunta gobolka Bari taagnaa dhowr Markab oo laga leeyahay qaar kamid ah waddamada Shisheeye ee la baxa khayraadka badda Somalia.

Ujeedka Maraakiibtan u yimaadeen magaalada Bosaso ayaa ah inay helaan ruqsad u sahlaysa inay si madax-bannaan uga kalluumaystaan biyaha Puntland, taasoo horay loo siiyay doonyo kala duwan.

Warqaddan ayaa xukuumadda Puntland ku qaadanaysa lacag aan cadadkeeda xog laga hayn taasoo wararka Warsidaha GO helayo sheegayaan in la isku fahmi la'yahay, islamarkaana keentay in Maraakiibtan muddo badan taagnaadaan magaalada Bosaso.

Xogta uu helayo Garowe Online ayaa sheegaysa in maraakiibtan laga leeyahay dalalka Thailand iyo Kuuriyada Koonfureed kuwaas oo ku yimid gobolka Bari wada-hadal iyo ballan qaadyo loo sameeyay.

Mas'uuliyiin katirsan wasaaradda Kalluumaysiga Puntland iyo ganacsato kala duwan ayaa qorshahan dabada kawada sida uu fahamsanyahay Warsidaha GO.

Dadka arrintan sida tooska ah ugu leh islamarkaana bud-dhigaha u ah waxaa kamid ah; Wasiirka wasaaradda Kalluumaysiga Puntland, Cabdinuur Cilmi Maxamuud (Biindhe), Wasiir dowlaha wasaaradda Kalluumaysiga iyo khayraadka badda Puntland Cabdiraxmaan aw-Jaamac Kulmiye, Agaasimaha Guud ee wasaaraddaas Cali Xirsi iyo xubno kale oo katirsan xukuumadda Madaxweyne Cabdiwali Gaas.

Wasaaraddan ayaa si toos ah faraha ugula jirta musuq maasuq baahsan oo la xiriira khayraadka badda taasoo horay amar usoo baxay bishii September 2016 shacabka ula soo baxaan Argoosatada, xilli doonyaha shisheeye aysan cidna Daba-galin waxay qaadanayaan.

Barnaamijkan waxaa sidoo kale gacanta kula jira Madaxda ugu sarraysa Puntland, kuwaas oo og arrimaha kasocda magaalada Bosaso.

Madaxweyne Gaas ayaa horay masiibo Qaran ugu tilmaamay Kalluumaysiga Sharci darrada ah ee ka jira Biyaha Puntland, walow hadalkaas uusan la socon wax ficil ah sida ay ka dharagsanyihiin shacabku.

Cabashada la xiriirta jariifka ayaa soo taagnayd tan iyo markii uu xilka qabtay Madaxweyne Gaas January 2014, taasoo keentay in dadka bad-dhacayaasha ah cabashooyin kala duwan ka keenaan arrintan.

Maraakiibta Shisheeya ayaa dhibaato xooggan ku haysa kallumaysatada iyagoo ka aruursada Shamaagaha ay dhigtaan xeebaha, halka ay bur-bur u geeyaan Laashashka ay ku jillaabtaan.

Qaar kamid ah dadka ku sugan xeebaha Puntland ayaa ka digay tallaabadan marar kala duwan iyagoo cabsi ka muujiyay in dib mar kale uu dib usoo laabto Falalkii Bur-cad badeedii la suuliyay 2012.

Lama oga waqtiga dowladda Puntland fursad u siin doonto inay maraakiibtan gurtaan khayraadka dabiiciga ah.

Tan iyo bur-burkii dowladdii dhexe ee Somalia, waxaa soo kordhayay nidaamka sharci darrada ah ee lagu iibsanayo hantida qaran ee ka dhaxaysa bulshada Somaliyeed kuwaasoo oo dhibaato ka haysato abaaraha iyo colaadaha ka jira dalka.

NB: Warsidaha Garowe Online ayaa warbixin dambe idiin kusoo gudbin doono magacyada xubnaha kale ee barnaamijkan qaybta ka ah iyo wararka ku saabsan maraakiibtaas ku sugan Bosaso

GAROWEONLINE

Related Articles

Booliska Puntland oo lagala hadlay ka hortaaga xaalufinta deegaanka

Isku xirnaanta Wasaaradda Degaanka iyo Isbedelka Cimilada iyo Hogaanka Booliska ayaa sidoo kale looga hadlay shirkan.

  • Puntland

    27-03-2024

  • 04:28AM

Qardho: Mashruuc horseeday jarista dhir baaxad leh oo laga digay

Wasaaradda deegaanka iyo Isbedelka Cimiladda ee Puntland ayaa ku baaqdey in degdeg loo joojiyo jarista dhirtan.

  • Puntland

    26-03-2024

  • 01:41PM