Maraakiib Jariif oo lagu arkay degmada Bandar Bayle gobolka Karkaar

Image

04 November, 2015(GO)-Gudoomiyaha degmada Bandar-bayla gobolka Kar-kaar Saciid Aadan Cali Anteena ayaa ka hadlay labo markab oo lagu arkay deegaano hoostaga degmadaasi.

Saciid Antena oo caawa waraysi gaar ah siiyay Radio Garowe, ayaa sheegay inay maraakiibtan ujeedkoodu yahay gurashada khayraadka Badda Puntland, waxuuna tilmaamay inaysan ilaa hadda aqoonsan waddamada lagu leeyahay.

Gudoomiyaha ayaa eed u soo jeediyay ciidamada Badda Puntland, wuxuuna ku dhaliilay inaysan ka hawl galin degmada, isla markaana ka hoos qaadi waayeen codsiyo kala duwan oo u diray si looga hortago falalka maraakiibta Jariifka ka wada xeebta degmadaasi.

Waxaa uu sheegay inay iskood isu abaabuli doonaan, isla markaana la dagaallamayaan Jariiflayaasha, maadama xukuumaddu ka gaabisay arrintan wax ka qabashadeeda.

Maaha markii ugu horraysay oo ay soo yeerto qaylo dhaan ka dhan ah marakiibta shisheeye.

Dhanka kel degmada Caluula ee gobolka Gardafuu, waxaa ku soo caariday doon laga leeyahay Iran taasi oo gudoomiyaha degaamada Shire Cabdi Ismacil, uu sheegay inay ka kalluumaysan jirtay xeebaha Puntland iyadoo ruqsad ka haysta maamulka degmada Caluula.

GAROWEONLINE

Related Articles

Shirweynaha 5-aad ee Golaha Guud ee Ururka Warbaahinta Puntland oo ka furmay Garowe

Madaxwayne ku xigeenka Puntland Ilyaas Cusmaan Lugotoor ayaa daahfuray Shirweynaha oo ay ka qeybgalayaan dhinacyo kala duwan.

  • Puntland

    21-04-2024

  • 11:46AM

Dowladda Puntland oo dardargelisay la macaamilka Beesha Caalamka

Kulanka ayaa looga hadlay mashaariicda horumarin iyo Kuwa bani’aadantinimo ee ay Puntland ka taageeraan iyo Sidii loo xoojin lah wadashaqeynta.

  • Puntland

    18-04-2024

  • 12:52PM