Maraykanka oo duqeeyay Daacish-ta Puntland

Image

BOOSAASO, Puntland- Sida lagu sheegay qoraal kasoo baxay taliska ciidamada Maraykanka ee Africa, waxaa la duqeeyay malleeshiyaadka Daacish ee ku sugan Bariga Puntland.

Qoraalkan oo nuqul kamid ah uu helay Garowe Online, waxaa lagu sheegay in Diyaaradaha Maraykankan ay duqeeyeen mallayshiyaad katirsan Daacish, kaasoo lagu dilay mid kamid ah Mintidiinta kooxdaas.

Sarkaal katirsan ciidamada Puntland oo magaciisa ka gaabsaday ayaa GO u sheegay in duqayntu ay ka dhacday shalay galab Tuulo lagu magacaabo Dharsan, oo 60KM u jirta degmada Qandalla, waxaana lala eegtay guri ay ku sugnaayeen 3 Sarkaal oo katirsan Daacish.

Diyaarad Drone ah ayaa Gantaal ku dhufatay Guriga, mana la oga inay Saraakiish ku dhinteen iyo in kale, hadana Taliska AFRICOM ayaa cadeeyay in weerarka oo dhacay 3:00pm xilliga Soomaaliya ay ku dileen xubin katirsan Daacish.

Warbixinta ayaa intaas ku dartay in qorshaha lagu duqeeyay Daacish uu ahaa mid ay iska kaashadeen taliska Ciidamada Maraykanka iyo dowladda Soomaaliya.

Taliska ayaa intaas kusii daray inay sii wadi doonaan weerarada ka dhan ah kooxda Argagixisada isagoo kaashanaya ciidamada dowladda Soomaaliya iyo kuwa AMISOM.

Puntland wax war ah kama soo saarin duqaynta Maraykanku uu sheegtay inuu ka fuliyay goob ay ku sugnaayeen Daacish.

Waa duqayntii labaad oo Maraykanku ka fuliyo goobaha Argagixisadu kaga sugantahay deegaanada Bariga Soomaaliya [Puntland], taasoo timid kadib markii Madaxweyne Donald Trump uu kordhiyay awooda ay u leeyihiin ciidamada U.S.A inay la dagaallamaan Argagixisada, taasoo sida ay sheegeen khatar ku ah muwaadiniintooda iyo xasiloonida dowladda Soomaaliya.

Daacish oo tiro ahaan lagu sheegay inay gaarayso 200 oo qof ayaa dhaq-dhaqaayo ka samaysay gobolka Bari ee Puntland iyadoo sannadkan horaantiisa qabsatay degmada Qandala, inkastoo markii dambe isaga baxeen.

Kooxdan waxaa hogaamiyay Cabdulqaadir Muumin oo horay ugasoo goostay Kooxda Al Shabaab, waxaana la rumaysanyahay in mintidiin badan oo isaga la fikir ah ay isaga baxeen ururkaas. Goor sii horaysay labadan kooxood ayaa ku dagaallamay gobolka Bari iyagoo iminka kuwada sugan Buuraha Sil-silada Golis.

Sannadkan in kabadan 20 duqayn ah ayuu Maraykanku ka fuliyay gudaha Soomaaliya, kuwaasoo uu tilmaamay inuu la eegtay fariisimo iyo kaamam ay ku tababaranayeen Argagixisadu.

Lama oga waxa duqaymahan ka badalin doonaan dhaq-dhaqaaqyada kooxaha Argagixisada ee ku sugan Puntland, balse waxay kusoo beegmaysa xilli culays iyo dagaallo badan ay kala kulmeen Koonfurta Soomaaliya oo laga cabsi qabo inay kusoo firxadaan dhulka nabdoon.

GAROWE ONLINE

 

Related Articles

Shirweynaha 5-aad ee Golaha Guud ee Ururka Warbaahinta Puntland oo ka furmay Garowe

Madaxwayne ku xigeenka Puntland Ilyaas Cusmaan Lugotoor ayaa daahfuray Shirweynaha oo ay ka qeybgalayaan dhinacyo kala duwan.

  • Puntland

    21-04-2024

  • 11:46AM

Dowladda Puntland oo dardargelisay la macaamilka Beesha Caalamka

Kulanka ayaa looga hadlay mashaariicda horumarin iyo Kuwa bani’aadantinimo ee ay Puntland ka taageeraan iyo Sidii loo xoojin lah wadashaqeynta.

  • Puntland

    18-04-2024

  • 12:52PM