Mareykanka oo beeniyay warar ay Daacish ka faafisay duqeyntii Timirshe

Image

BOOSAASO, Puntland – Taliska Mareykanka ee qaaradda Afrika ayaa wuxuu qashinka ku daray warar ay saacadihii lasoo dhaafay kooxda Daacish ka faafisay duqeyntii ay Talaadadii ka fuliyeen bariga Puntland.

Howlgalkaas ayaa ka dhacay degaanka Timirshe oo qiyaastii 140 KM dhanka koonfur-bari ka xiga xarunta gobolka Bari ee Boosaaso ahna xarunta ganacsiga dowladda Puntland ee Soomaaliyeed.

Taliska AFRICOM ayaa waxba kama jiraan ku sifeeyay in ciidamo Ameerikaan ah iyo kuwa Soomaali ay waxyeelo kasoo gaartay intii ay socdeen howlagaladaas oo isugu jira duqeyn cirka iyo weerar dhulka ah.

Qoraal lasoo dhigay barta Twitter-ka ee AFICOM ayaa waxaa lagu xaqiijiyey in "askari oo Soomaali ah uu ku dhaawacmay falkaas".

"Xaqiiqo ka fogaanshiyaha iyo been abuurka waa hubka kaliya ee kooxaha argagxisada ah," ayaa lagu yiri qoraalka. "Askariga dhaawcmay waxaa lagu daaweeyay isla goobta," ayay raaciyeen.

ISIL-Somalia oo bayaan soo saartay ayaa faafisay warar ay ku sheegeyso in askar Ameerikaan iyo Soomaali isugu jira ay dil iyo dhaawac ugu geysteen meel ku dhow magaalada dekada leh ee Boosaaso.

Xukuumada Washington ayaa shaacisay in duqeyntii Timirshe ay ku khaarijisay todoba kamid ahaa Daacish, halka taliska ciidanka sidda gaarka ah u tababaran ee Puntland uu xusay in lagu dilay 20 xubnood.

Saraakiisha amniga Puntland ayaa sidoo kale tibaaxay in howlgalkaas ay ku burburiyeen keyd qaraxyo iyo cunto oo kooxdu lahayd isla markaana dagaalameyaasha la dilay ay ajaaniib ku jiraan.

Duqeymaha dhanka cirka ayaa kamid ah xeeladaha dagaal ee argagixisada Soomaaliya lagula dagaalamayo sanadihii lasoo dhaafay, waxaana hormuud u ah Mareykanka oo diyaaradihiisu ay qaadan weeraradaas.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Booliska Puntland oo lagala hadlay ka hortaaga xaalufinta deegaanka

Isku xirnaanta Wasaaradda Degaanka iyo Isbedelka Cimilada iyo Hogaanka Booliska ayaa sidoo kale looga hadlay shirkan.

  • Puntland

    27-03-2024

  • 04:28AM

Qardho: Mashruuc horseeday jarista dhir baaxad leh oo laga digay

Wasaaradda deegaanka iyo Isbedelka Cimiladda ee Puntland ayaa ku baaqdey in degdeg loo joojiyo jarista dhirtan.

  • Puntland

    26-03-2024

  • 01:41PM