Mareykanka oo fahfaahiyey duqeyn uu Daacish kula beegsaday Puntland

Image
Image

BOOSAASO, Puntland – Taliska Mareykanka ee qaaradda Afrika ayaa xaqiijiyey in shalay oo taariikhdu ahayd 21-kii July uu duqeyn dhanka cirka ah kula eegtay maleyshiyo ka tirsan Daacish bariga Puntland.

Sidda lagu sheegay war-saxaafadeed kasoo baxay AFRICOM, howlgalkaas abaabulnaa ayaa ka dhacay nawaaxiga tuulada Timirshe oo 140 KM dhanka Koonfur Bari ka xigta xarunta gobolka Bari ee Boosaaso.

"Illaa iyo haatan, waxaan xaqiijinay in duqeynta lagu dilay todoba kamid ah argagixisada ISIL-Somalia," ayaa lagu yiri warka qoraalka ah, oo intaas la raaciyey "ma jiro waxyeelo soo gaarey dad shacab ahaa".

Dhanka kale, taliska ciidamada sidda gaarka ah u tababaran ee dowlada Puntland [PSF] ayaa sheegay 20 kamid ahaa dagaalameyaasha Daacish lagu khaarijiyey howlgalkaas oo cirka iyo dhulka ahaa.

Bayaanka ayaa lagu qeexay in xubnaha la khaarijiyey ay kamid ahaa ajaaniib, midkood u qaabilsanaa tababarka iyo xiriirka caalamka isla markaana gudaha Soomaaliya ku sugnaa tan iyo 2014-kii.

"Dhanka kale, waxay ciidanka PSF ka gubeen cadowga Daacish kayd weyn oo ay dhigan jireen saadka iyo sahayda, kaydkaas oo ay yaaleen raashin aad u faro badan,daawo,rasaas iyo waxyaabaha laga sameeyo qaraxyada," ayaa lagu yiri qoraalka oo nuqul kamid ah uu arkay Garowe Online.

Taliska PSF-ta ayaa carabka ku dhuftay in dhankooda uusan wax khasaaro ah soo gaarin intii uu socday "howlgalkaas qorsheysan".

"Intii hawlgalkani socday ma jirto wax khasaare nafeed ama hantiyeed oo ka soo gaaray ciidamada PSF. Ciidanka PSF waxay ugu baaqayaan shacabweynaha reer Puntland iyo guud ahaan shacabka Soomaaliyeedba in ay garabsiiyaan ciidamadoo si kooxaha cadowga ahi ay u waayaan goob ay ku nabad galaan,naga soo wac 388/477," ayaa lagu soo xiray qoraalka.

Daacishta Soomaaliya ee ku dhuumaaleysata degaanada buuraleyda ah ee Puntland isla markaana xubnaheeda badankooda kasoo goosteen Al-Shabaab ayaa bilooyinkii lasoo dhaafay wajahayey cadaadis.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Dhabancad oo loo magacaabay Wakiilka Arrimaha Siyaasada iyo Xiriirka Caalamka Puntland

Magacaabidan ayaa lagu shaaciyay barta Facebook ee Madaxtooyadda dowladda Puntland.

  • Puntland

    20-07-2024

  • 08:16PM

Xisbiga Horseed oo dugsi ka dhisaya magaalo 20 sano aan waxbarasho lahayn

Deegaanka Salaxlay ayaa GAROWE Ka xiga dhanka Koonfureed,wuxuuna qiyaastii u jiraa 20km.

  • Puntland

    20-07-2024

  • 06:47AM