Mareykanka oo fahfaahiyey duqeyn uu Daacish kula beegsaday Bari

Image

BOOSAASO, Puntland – Taliska Mareykanka ee qaarada Afrika ayaa xaqiijiyey in diyaaradihiisa ay qaadeen duqeyn Jimcadii ka dhacday gobolka Bari.

Weerarka cirka ah oo ahaa laba howlgal ayaa ka kala dhacay tuulooyinka Il & Careemo iyo Siid oo ku teedsan buuraleyda Goolis ee gobolka Bari, dowlada Puntland.

Sidda ay warsidaha Garowe Online u shegeeen illo wareedyo dhanka amaanka, waxaa duqeymahaasi lala beegsaday maleyshiyo ka tirsanaa Al-Shabaab iyo Daacish.

Balse taliska AFRICOM oo xaqiijiyay afar gantaal oo lala dhacay dagaalamayaasha Daacishta Soomaaliya ayaa shaaciyay in uu ka dilay saddex xubnood

"Fahfaahinta duqeymaha waan sii wadi doontaa inta ay yihiin kuwa muhiim ah," ayaa laga soo xigtay war-saxaafadeed kasoo baxay AFRICOM.

Bayaanka oo nuqul kamida uu soo gaarey GO ayaa lagu bidhaamiyay in illaa iyo haatan uusan Mareykanku hubin hadii ay jiraan waxyeelo shacab.

Waa howlgalkii labaad oo ka dhan ah Daacishta Soomaaliya oo uu Mareykanka ka fuliyo degaanada Puntland, gaar ahaan gobolka Bari, kaliya bishaan April.

Horaantii bishaan April gaar ahaan 14-ka ayay ahayd markii tuulada Xiriiro uu ku dilay hogaamiye ku xigeenkii Daacishta Soomaaliya, Cabdixakiin Dhoqob.

Goobta ay shalay ka dhacday labadaan howlgal ayaa waxaa dhowr jeer ku diriray Al-Shabaab iyo Daacish, kuwaasi oo isku haya maamulida tuulooyin halkaasi ku yaalla.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Shirweynaha 5-aad ee Golaha Guud ee Ururka Warbaahinta Puntland oo ka furmay Garowe

Madaxwayne ku xigeenka Puntland Ilyaas Cusmaan Lugotoor ayaa daahfuray Shirweynaha oo ay ka qeybgalayaan dhinacyo kala duwan.

  • Puntland

    21-04-2024

  • 11:46AM

Dowladda Puntland oo dardargelisay la macaamilka Beesha Caalamka

Kulanka ayaa looga hadlay mashaariicda horumarin iyo Kuwa bani’aadantinimo ee ay Puntland ka taageeraan iyo Sidii loo xoojin lah wadashaqeynta.

  • Puntland

    18-04-2024

  • 12:52PM