Maxaa ku khasbay Madaxweyne Gaas isku Shaandheynta Agaasime Waxeedyada?

Image

GAROWE, Puntland - Kadib markii Madaxweynaha Puntland Cabdiweli Maxamad Cali "Gaas" wareegto uu isku shaandheyn ku sameynayo Agaasime waxeedyada maamulka iyo maaliyada Wasaaradaha soo saarey 28 June, 2018 ayaa waxaa soo baxaya warar dheeraad ah oo sheegaya sababta keentey iyo saameynta ay isbadalkaan ku yeeshey Wasiirada markii ay ka warheleen.

Warar lagu kalsoon yahay ayaa warsidaha Garowe Online u sheegey in isku shaandheyntaan aheyd mid la xiriirta doorashooyinka la filayo iney Puntland ka dhacaan dabayaaqada sanadkaan taasoo hoos loogu dhigayey awooda qaar ka tirsan agaasimayaasha la isku shaandheeyey.

Madaxweyne Abdiweli Gaas ayaa sida GO fahansan yahay cabsi ka muujiyey inuu si toos ah u badalo qaar ka tirsan agaasimayaasha uusan la dhacsaneyn siyaasadooda.

Gaas ayaa hab-dhaqankiisa maamul mudadii uu xilka hayey waxaa kamid ah inuusan si toos go’aan u qaadan isagoo marka go’aan saameyn yeelanaya qaadanayo jahawareeriya ra’yi caamka dadka. 

Xasan Shire Abgaal oo Agaasime maaliyada iyo maamulka ka ahaa Wasaarada caafimaadka muddo gaareysa 15 sano ayaa kamid ah xubnaha Madaxweyne Gaas u dan lahaa inuu ka qaado xilkaan isagoo u wareejiyey Wasaarada Xanaanada Xoolaha.

Agaasime Xasan oo kamid ahaa tiirarka ay ku taagan tahay Wasaarada Caafimaadka isagoo u lahaa khibrad shaqo maamulka iyo maaliyada Wasaarada ayaa sida aan wararka ku heleyno waxaa xil ka qaadistiisa ka caroodey Wasiirka “ Naasir Cuuke” iyadoo Madaxweyne Gaas uusan kala tashan.

Wareegtada Madaxweynaha ayaa waxaa ku cad in isbadalkaan uu sameeyey kadib markii uu Xeeriyey talo soo jeedinta Wasiirada.

Madaxweynaha Puntland oo olole ugu jira sidii dib loogu soo dooran lahaa ama korirsiimo sharci daro ah ugu sameyn lahaa muddo xileedkiisa ayaa kharaajin kuwada dadka uu is-leeyahay qorshahaan waa ka horimaan karaan.

Dhowaan ayey aheyd markii uu cabasho ka muujiyey ciidamo gobolka Karkaar kaga soo biirey iney qayb ka qaataan difaaca jiida hore ee Tukaraq kuwasoo ku tilmaamey in imaanshahooda qayb ka ahaayeen siyaasiyiin musharaxiin ah.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Shirweynaha 5-aad ee Golaha Guud ee Ururka Warbaahinta Puntland oo ka furmay Garowe

Madaxwayne ku xigeenka Puntland Ilyaas Cusmaan Lugotoor ayaa daahfuray Shirweynaha oo ay ka qeybgalayaan dhinacyo kala duwan.

  • Puntland

    21-04-2024

  • 11:46AM

Dowladda Puntland oo dardargelisay la macaamilka Beesha Caalamka

Kulanka ayaa looga hadlay mashaariicda horumarin iyo Kuwa bani’aadantinimo ee ay Puntland ka taageeraan iyo Sidii loo xoojin lah wadashaqeynta.

  • Puntland

    18-04-2024

  • 12:52PM