Qodobada lagu heshiisyey kadib markii kulan dhexmarey DF Soomaaliya iyo Puntland [SAWIRO]

Image
Image
Image
Image
Image

GAROWE- Kulan saacado ka hor u soo dhamaadey golayaasha Wasiirada dowlada Federaalka Soomaaliya iyo Puntland ayaa wararku sheegayaan in lagu heshiiyey iyadoo qodobo hordhac ah oo caadeynaya xiriirka soo baxeen.

Kulamo hordhac ah oo saaka dhexmarey RW Khayre,  Madaxweyne Gaas oo dhinac ah iyo guddi ka kooban labada gole ayaa waxaa lagu go’aansadey in galabta la isugu yimaado shir  guud kaas oo ka dhacey xarunta Wasaarda maaliyada Puntland ku leedahay Garoowe.

Wararka warsidaha Garowe Online kasoo garaya kulankaas ayaa sheegaya in habeenka caawa casho sharaf loo sameyn doono dhamaan wafdiga Ra’isal wasaraha Soomaaliya halka berri oo Jimce ah Qado wada yeelan doonaan labada dhinac.

Dhinaca kale kulankaan ayaa waxaa kasoo baxay in habeen dambe ay dhaceyso xaflada 1 August oo baaqatey habeenkii xalay Khilaafkii jirey owgiis.

Ra’isal wasaraha Soomaaliya ayaa la filayaa in ka qayb gali doono xafladaas iyadoo la qorsheynayo in wafdiga Wasiirrka Kowaad maaalinta Sabtida ka ambabaxaan Garowe.

Khilaafka soo kala dhexgaley labada dhinac ayaa yimid kadib markii Wasiirka Kowaad ka cududaartey maalin ka hor inuu ka qayb galo munaasabad Dhagax dhig ah oo loo sameynayey Dakad la sheegey in laga dhisayo Garacad oo ka tirsan gobolka Mudug.


Warsaxafadeed kasoo baxay xafiiska Madaxweynaha maamulka goboleedka Puntland.

Madaxweynaha Dowladda Puntland oo Kulan La Qaatay Golayaasha Dowladda Puntland iyo Dowladda Federaalka Soomaaliya.

Madaxweynaha Dowladda Puntland Dr. Cabdiweli Maxamed Cali Gaas ayaa maanta oo taariikhdu tahay 2 Agust 2018 waxaa uu kulan laqaatay Labada Gole ee Dowladda Puntland iyo Dowladda Federaalka Soomaaliya.

Madaxweynaha Dowladda Puntland kulankan uu laqaatay labada Gole ee Dowladda Puntland iyo Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa waxaa goob-joog ka ahaa Madaxweyne ku xigenka Dowladda Puntland Eng. Cabdixakiin Cabdullaahi Xaaji Cumar Camey, Ra'iisul-wasaaraha Dowladda Federaalka Soomaaliya Mudane. Xasan Cali Khayre iyo Saraakiil katirsan Madaxtooyada Dowladda Puntland.

Kulankan uu Madaxweynaha Dowladda Puntland Dr. Cabdiweli Maxamed Cali Gaas laqaatay labada gole wasiiro oo ka dhacay hoolka Wasaaradda Maaliyada Dowladda ayaa ahaa kulamadii khamiislaha ahaa ee ay yeelan jireen golayaasha Dowladda Puntland iyo Dowladda Federaalka ah ee Soomaaliya, kuwaas oo looga hadlo xaaladaha guud ee Soomaaliya.

Dhinaca kale kulankii maanta oo aha mid isla xisaabtan ah ayaa inta badan looga hadlay arimaha amniga, dhaqaalaha, arimaha bulshada, la dagaalanka kooxaha argagaxisada, federaaliisamka iyo hanaanka doorashooyinka iyo sidii la isu waafajin lahaa shaqooyinka wasaaradaha Dowladda Puntland iyo Dowladda Federaalka ah ee Soomaaliya.

Sidoo kale waxyaabahii ugu waaweynaa ee looga hadlay kulankii maanta ayaa waxaa aad loo gorfeeyey saam qaybsiga khayraadka dabiiciga ah iyo sidii si siman loogu qaybin lahaa deeqaha beesha caalamku ugu deeqdo Soomaaliya, iyo weliba sidii loo horumarin lahaa kaabayaasha dhaqaalaha, islamar'ahaantaana loo taabagelin lahaa dismaha dekedo cusub oo dhaqaalaha Puntland iyo Soomaaliyaba kor usoo qaada.

Ugu danbayn, kulankii maanta ayaa la isla afgartay sidii loo abuuri lahaa jewi degan oo horseeda in hore looga gudbo Soomaaliya halka ay maanta taagan tahay, iyo sidii loo taaban gelin lahaa qaab wada shaqaynayd oo wanaagsan oo keeni kara in la iswaafajiyo hanaanka Dowladdnimo ee Puntland iyo kan Dowladda Federaalka Soomaaliya.


Warkaan waxaa dib wax loogu darey markale si aan ula socodsiino akhristayaasha wararka soo kordhay

GAROWE ONLINE 

Related Articles

Shirweynaha 5-aad ee Golaha Guud ee Ururka Warbaahinta Puntland oo ka furmay Garowe

Madaxwayne ku xigeenka Puntland Ilyaas Cusmaan Lugotoor ayaa daahfuray Shirweynaha oo ay ka qeybgalayaan dhinacyo kala duwan.

  • Puntland

    21-04-2024

  • 11:46AM

Dowladda Puntland oo dardargelisay la macaamilka Beesha Caalamka

Kulanka ayaa looga hadlay mashaariicda horumarin iyo Kuwa bani’aadantinimo ee ay Puntland ka taageeraan iyo Sidii loo xoojin lah wadashaqeynta.

  • Puntland

    18-04-2024

  • 12:52PM