Maxaa sababey in dowlada Puntland ka aamusto weeraradii Boosaaso?

Image

BOOSAASO- Magaalada Boosaaso ayaa weeraro kooxaha argagixisada ah u gaysteen saldhiga dhexe iyo qaybo kale oo ka tirsan xarunta ganacsiga Puntland Feb 6-7, 2018 waxaa si buuxda aan weli uga hadlin hay’adaha amniga gobolka, maamulka gobolka iyo Wasaarada amniga Dowlada Puntland.

Kooxaha argagixisada ah oo kordhiyey dhaqdhaqaaqa ay ku sameynayaan falal argagixiso gaar ahaan magalada Boosaaso ayaa wararka laga heleyo dadka la socda arimaha amniga waxay sheegeysaa in  ujeedkoodu yahay sidii ay uga faa’ideysan lahaayeen xiisada colaadeed ee u dhexeysa maamulada Puntland iyo Somaliland taasoo ka bilaabatey weerarkii Ciidamada maamulka Hargeysa uu ku soo qaadey Tuulada Tukaraq Jan 8, 2018.

Maxay tahay sababta loo aamusan yahay? 

Madaxweynaha talada haya ee Puntland ayaa mudadii Afarta sano uu xilka hayey waxaa la rumeysan yahay in shaqadii hay’adaha dowliga ah ee maamulkaas oo ay ragaadisay arimo dhaqaale xumo iyo iyadoo awoodii shaqo ay lahaayeen loo wareejiyey shaqsiyaad gaar ah kuwasoo toos ula shaqeeya Mudane Gas. Dadkaan ayaa hay’adaha dowlada iyo wasaaradaha loo geeyey naas-nuujin iyo iney ilaaliyaan fursadaha dhaqaale ee halkaas laga heli karo. Halkaan ka akhri 

Mas’uuliyiinta hay’adaha amniga ee Puntland ayaa la kufaa-dhacaya sidii ay isaga bixin lahaayeen kharashiyaadka howl socodsiinta Dowlada halka ay lasoo gudboonaatey cabsi ay ka qabaan koxahaan madaama madaxa u u sareeya maamulka uusan u soo jeedin ilaalinta amnigooda iyagoo dhinaca kale ilaaladii la socotey siin kari waayey mushaharkoodii.

Wasiirada, saraakiisha ciidamada iyo howl-wadeen walba oo aan garab toos ah ka haysan Madaxtooyada Puntland ayaa waxaa khasab ku in waraqaha codsiga kharashaadka hay’adiisa la taagan yahay irida hore ee Xafiiska Wasiirka Wasaarada Maaliyada.

Puntland ayaa waxa ka dhacey weeraro argagixiso kuwasoo hay’adhii ku shaqo lahaa warbixin rasmiya aysan ka soo saarin waxaana kamid ahaa dhacdadii Af-urur halkaasoo si gaadmo ah loogu xasuuqey ciidamo iyo qoysaskoodii.

Madaxweynaha Puntland ayaa guddi Wasiiro ah u saarey weerarkaan iyadoo shacabka aan loo soo gudbin warbixin ka hadlaysa sababta weerarkaan u dhacey, sida looga gaashaman karo in uusan markale dhicin iyo tageerada dowladu u fidineyso qoysaskii saameyntu ku yeelatey weerarkaan.

Waxaa dhamaan howlgab noqdey ama shaqooyinkii ka tagey howl-wadeenadii hay’adaha sirdoonka Puntland kadib markii Madaxweynaha talada haya ka gooyey misaaniyadoodii shaqo taasoo keentey in aan xog buuxda laga hayn cadowga qorsheynaya weerarda noocaan ah.

Madaxweyne Gaas ayaa shaqada hay’adaha dowliga Puntkand ku soo koobey qolka uu ka fadhiyo hoyga madaxtooyada uu ka dagan yahay iyadoo wararku sheegayaan in muddo Labo sano iyo Bar ah uusan fariisan Xafiiskiisa halka soo ah barta laga hago xogta how-wadeenada yo Puntland.

Xaalada Magaalada Boosaaso

Magaalada Boosaaso oo ah xarunta ganacsi ee Puntland ayaa waxaa duleedkeeda saldhig ku leh kooxaha argagixisada ah ee ka amar qaata ururada Al shabaab iyo Daacish kuwasoo weeraro gaadmo ah u gaysta ciidamada dowlada iyo dadka ay is leeyihiin waa hal-dowrka bulshada.

Taliyaha qaybta gobolka Barri oo ay jifo hoose yihiin Madaxweyne Gaas ayaa sida la rumeysan yahay shaqadii loo igmadey aan hayn isagoo ku kalsoon in uusan jirin isla-xisaabtan dhab ah oo keeni kara in shaqadiisa ku waayi karo hadii howl-gudasho la’aan timaado.

Dhinaca kale xubnaha golaha Wasiirada iyo holwadeenada kale ee gobolka kasoo jeeda waxaa ay cabsi ka qabaan kooxahaan iney bartilmaameedsadaan madaama ay kalsoonidii dowladnimo meesha ka baxdey.

Ganacsatada iyo shacabka ku nool Boosaaso  ayaa dhinacooda waxaa lasoo gudboonaadey cabsi madaama tabar-darada Dowladu noqotey mid aan qarsooneyn taasoo keentey in Kooxaha argagixisada ah bilaabaan in lacago ka qaadaan xarumaha ganacsi ee gobolka.

”Qaar ka tirsan xaafadaha magalaada Boosaaso waxaa si buuxda habeenkii u maamula kooxahaan, waxayna askarta Dowlada kaga xoog badan yihiin meelaha qaarkood.” Sidaas waxaa GO u sheegey sarkaal ka tirsan ciidamada.

Sarkaalkaan oo magaciisa ka gaabsadey ayaa GO u sheegey in ciidmada ku shaqeeyaan xaalad adag oo dhaqale xumo iyadoo aysan jirin daryeel loo fidiyo markii dhibaato soo gaarto.

Madaxweyne Gaas oo mudadii Xafiiska uu joogo ka hartey 9 bilood oo intii uu talada hayey dagaal kula jirey sidii uu u tir-tiri lahaa raadkii maamuladii isaga ka horeyeey ayaa hada waxaa muuqta in agtiisa ay taalo natiijadii ka dhalatey maamul xumada hoose ee ragaadisay hay’adihii dowliga ah.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Shirweynaha 5-aad ee Golaha Guud ee Ururka Warbaahinta Puntland oo ka furmay Garowe

Madaxwayne ku xigeenka Puntland Ilyaas Cusmaan Lugotoor ayaa daahfuray Shirweynaha oo ay ka qeybgalayaan dhinacyo kala duwan.

  • Puntland

    21-04-2024

  • 11:46AM

Dowladda Puntland oo dardargelisay la macaamilka Beesha Caalamka

Kulanka ayaa looga hadlay mashaariicda horumarin iyo Kuwa bani’aadantinimo ee ay Puntland ka taageeraan iyo Sidii loo xoojin lah wadashaqeynta.

  • Puntland

    18-04-2024

  • 12:52PM