Maxaad ka taqaanaa Musharaxiinta Guddoomiyaha Baarlamaanka Puntland?

Image
Image
Image
Image

GAROWE, Puntland - Afar musharax ayaa isku soo taagey qabashada xilka Gudoomiyaha Baarlamaanka Puntland, oo doorashadiisu la filayo inay ka dhacdo magaalada Garowe maanta oo Jimco ah.

Cabdixakiin Maxamed Axmed [Dhoobo-daarood]

Musharaxan ayaa ah Xildhibaan mudo saddex jeer usoo tartamay Kursiga Gudoomiyaha Gollaha Wakiiladda Puntland [2014, 2015 iyo 2019].

Dhoobo-daarood ayaa doorashadii 2014 ku haray wareegga kowaad, waxa uu haddana isku soo taagay xilkan 2015 markii Xildhibaanada ay xilka ka qaadeen Saciid Xasan Shire, balse waxaa ka adkaadey Axmed Cali Xaashi.

Xildhibaankan ayaa hadda markii 3aad isa soo sharxay, isagoo la tartami doono 3 musharax oo kale.

Cabdirashiid Yuusuf Jibriil

Waa Musharax lagu sheegay abwaan curiya heesaha, oo ka yimid dhanka wadanka Ingiriiska. Waxuu xilligii Ololaha doorashada Cabdiweli Gaas ka qaatey kaalin, taasoo u sahashay inuu xil ku qabto.

Gaas markii la doortay 2014, ayuu ku abaalmariyay C/rashiid Yuusuf xilka agaasimaha warfaafinta, hiddaha iyo dhaqanka madaxtooyada, kadib markii uu qaadey hees la yiraahdo "Taageer Cabdiweli" intii lagu guda jiray ololahii doorashada 6 sano kahor.

C/rashiid wuxuu kamid yahay shaqsiyaadka ku dhaw Madaxweynaha uu waqtigiisu dhamaadey, waxaana uu kasoo jeedaa gobolka Sanaag.

Cabdiraxmaan Cali Jibriil

Musharaxan ayaa kamid ah Xildhibaanada 17-ka ee dib loo soo doortey ee kamid ahaa Baarlamankii hore, todobaadkan ayuu ku dhawaaqay inuu yahay musharax xilka Gudoomiyaha Gollaha Wakiiladda.

Kahor Siyaasadda, C/raxmaan Cali ayaa ahaa Ganacsade.

Cabdi Jamaal Cismaan Maxamed

Waa Xildhibaan iyo Siyaasi xilal heer wasiir-nimo kasoo qabtey labadii xukuumadood ee Puntland ee ay kala hogaaminayeen C/raxmaan Faroole iyo Cabdiweli Gaas.

Cabdiweli Maxamed Cali ayaa June 2015 u magacaabey Cabdi Jamaal wasiirka xanaanada xoolaha, xilkaasi oo uu waayay Markii Baarlamanku riday golihii wasiiradda August 2017.

Cabdijamaal 2017 noqday la taliyaha dhanka arrimaha amniga ee Cabdiweli Gaas.

Si kastaba, tartanka ayaa ah mid adag, oo la saadaalin karin cida kusoo baxaysa, balse waxaa xusida mudan in Xildhibaanada wax dooranaya ay u badan yihiin wajiyo cusub, oo hal kamid ah dumar ah.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Shirweynaha 5-aad ee Golaha Guud ee Ururka Warbaahinta Puntland oo ka furmay Garowe

Madaxwayne ku xigeenka Puntland Ilyaas Cusmaan Lugotoor ayaa daahfuray Shirweynaha oo ay ka qeybgalayaan dhinacyo kala duwan.

  • Puntland

    21-04-2024

  • 11:46AM

Dowladda Puntland oo dardargelisay la macaamilka Beesha Caalamka

Kulanka ayaa looga hadlay mashaariicda horumarin iyo Kuwa bani’aadantinimo ee ay Puntland ka taageeraan iyo Sidii loo xoojin lah wadashaqeynta.

  • Puntland

    18-04-2024

  • 12:52PM