​Maxamed Cabdiraxmaan oo Garowe Casho ugu sameeyay Cayaaryahannada ka yimid Australia

Image
Image
Image
Image
Image
Image
Image
Image
Image
Image
Image
Image
Image
Image
Image
Image

GAROWE, Puntland- Agaasimihii hore ciidamada Badda Puntland ahna Aas-aasaha Mareegta Garowe Online iyo Idaacadda Radio Garowe, Maxamed Cabdiraxmaan Farole, ayaa hoygiisa caasumadda Puntland caasho sharaf ugu sameeyay cayaaryahannada ka yimid waddanka Australia ee koobka ka qayb galaya Magaalo madaxda Garowe.

Casho sharaftan, waxaa sidoo kale kasoo qayb galay Wasiirkii hore ee wasaaradda Maaliyadda Puntland, Faarax Cali Shire iyo Guddoomiyaha Qurba joogta Puntland.

Kulankan ayaa isugu jiray, dhiiri galin iyo is-barasho, waxaana loogu talo galay sidii dhalinyaradan kor loogu qaadi lahaa hamigooda iyo inay noqdaan kuwo dalka iyo dadka wax tara.

Maxamed Cabdiraxmaan Farole, ayaa casho kadib hadal kooban u jeediyay dhalinyarada, wuxuuna soo dhaweeyay kubadda wanaagsan ee ay kusoo bandhigeen koobka socda, isagoo xusay inay waqti kasta garab taaganyihiin.

Maxamed, ayaa sidoo kale xusay in imaanshahooda Puntland, wax badan ka badalayso garaadka dhalinyarada iyo fikirka laga haysto dalka isagoo ku dhiirigaliyay inay ka faa'iidaystaan mudada ay joogaan waddankooda.

Wasiirkii hore ee Maaliyadda Puntland, Faarax Cali Shire, ayaa isna hadal uu jeediyay, kaga waramay muhiimadda ay leedahay isku xirnaanta bulshada Somaliyeed ee ku kala sugan Qurbaha iyo dalka gudahiisa, wuxuuna xusay inay yihiin safiirro dalka u jooga oo mar walba u taagan hormarka dadkooda, wuxuuna kula dardaarmay inay noqdaan xubno fir-fircoon oo ka dhexmuuqda hadba meesha ay joogaan.

Guddoomiyaha Qurba joogta Puntland, Cumar Shire Maxamed, ayaa isna soo dhaweeyay dadaalka ay sameeyeen Maxamed Cabdiraxmaan iyo Faarax Cali Shire, wuxuuna dhalinyarada ka hore xusay inay ahaayeen raggii isu taagan inaysan Garowe marti ku noqon oo ay ka helaan soo dhaweyn ballaaran iyo adeeg hufan.

Mid kamid Cayaaryahannada, ayaa u mahad-celiyay Maxamed Cabdiraxmaan oo ciddii ka qayb qaadatay soo dhaweyntooda, wuxuuna sheegay inay waxbadan oo wanaag iyo aqoon ah ay ka heleen dalkooda gaar ahaan Garowe.

Macallinka kooxda, ayaa sidoo kale ka mahad-celiyay casho sharafta loo sameeyay, dhalinyarada katimid Australia ee magaca Melbourne kaga qayb galaysa koobka Afarta kooxood ku loollamayaan ee maalinta Jimaha Finalkiisa la dheeli doono.

Waa markii ugu horaysay magaalada Garowe koob heerkan gaarsiisan loo dhigo dhalinyaro qaybtood katimid qurbaha, waxaana ilaa hadda kulamadii la cayaaray noqdeen kuwa yeeshay natiijo isku mid ah, inkastoo la filayo in maalinta Barri ah laga soo saaro labo kooxood oo gaba gabada wada cayaara.

GAROWEONLINE

Related Articles

Booliska Puntland oo lagala hadlay ka hortaaga xaalufinta deegaanka

Isku xirnaanta Wasaaradda Degaanka iyo Isbedelka Cimilada iyo Hogaanka Booliska ayaa sidoo kale looga hadlay shirkan.

  • Puntland

    27-03-2024

  • 04:28AM

Qardho: Mashruuc horseeday jarista dhir baaxad leh oo laga digay

Wasaaradda deegaanka iyo Isbedelka Cimiladda ee Puntland ayaa ku baaqdey in degdeg loo joojiyo jarista dhirtan.

  • Puntland

    26-03-2024

  • 01:41PM