Puntland iyo Jabuuti oo xoojinaya iskaashiga ganacsiga iyo maalgashiga

Image
Image
Image
Image
Image
Image

DJABUUTI, Jabuuti - Madaxweynaha Dowladda Puntland Mudane Siciid Cabdullaahi Deni, ayaa qasriga Madaxtooyada ee Jabuuti kulan kula qaatay Madaxweynaha dalka Jabuuti Ismaaciil Cumar Geelle.

Labada Madaxweyne ayaa ka wada hadlay xoojinta xiriirka Iskaashi ee Puntland iyo Jabuuti, sida dhinacyada Ganacsiga , maalgashiga iyo guud ahaan horumarka.

Kulanka waxaa Madaxweynayaasha ku weheliyey Wasiirka arrimaha dibadda ee Jabuuti Mudane Maxamuud Cali Yuusuf iyo Wasiirka gaadiidka Mudane Muuse Maxamed Axmed, Dhinaca Puntland waxaa uga qeybgalay Wasiirka duulista hawada iyo garoomada mudane Ilyaas Cismaan Lugatoor, Wasiirka Ganacsiga mudane Cabdullaahi Cabdi Xirsi, Lataliyaha Madaxweynaha Puntland ee arrimaha Siyaasadda iyo Xiriirka dibedda Mudane Cali Cabdi Awaare iyo Saraakiil ka tirsan Madaxtooyada Puntland.

Madaxtooyadda Puntland

Related Articles

Booliska Puntland oo lagala hadlay ka hortaaga xaalufinta deegaanka

Isku xirnaanta Wasaaradda Degaanka iyo Isbedelka Cimilada iyo Hogaanka Booliska ayaa sidoo kale looga hadlay shirkan.

  • Puntland

    27-03-2024

  • 04:28AM

Qardho: Mashruuc horseeday jarista dhir baaxad leh oo laga digay

Wasaaradda deegaanka iyo Isbedelka Cimiladda ee Puntland ayaa ku baaqdey in degdeg loo joojiyo jarista dhirtan.

  • Puntland

    26-03-2024

  • 01:41PM