Maxay tahay sababta dib loogu dhigay kiiska Cabdirisaaq Tahliil?

Image
Image
Image
Image
Image
Image

MUQDISHO, Soomaaliya – Maxkamada ciidamada Soomaaliya waxaa mar kale maanta oo Sabti ah kasoo muuqday Cabdirisaaq Xuseen Tahliil [Ina Calool Geele], oo wajahaya eedaymo ku saabsan Shabaabnimo.

Sida uu ahaa qorshaha kasoo baxay fadhigii koowaad ee todobaadkii hore, waxaa xeer-ilaalinta laga sugayay caddeymaha eedaynta Tahliil.

Dacwad oogayaasha ayaa ku guuldareystay in ay la yimaadaan caddeymo cusub, iyaga oo soo qaatay kuwii xeer-beegtida dowlada Puntland.

Doodaasi waxaa ku gacan-seyray qareenada difaacayay eedaysanaha, oo qiil ka dhigtay in iyaguba haystaan caddeymo muujinaya in horey loosii daayey.

Dacwad—ogayaasha ayaa intaasi kadib codsaday in dib loo dhigo kiiskaan, si ay u soo uruursadaan caddeymo dheeraad ah oo uu gal-dacwadeedka kusii socon karo.

Qareenada oo ka biyo diiday dalabka xeer-ilaalinta ayaa ku tartarsiiyay maxkamada in aanan dib loo dhigin kiiska oo horey loosii wado.

Intaasi kadib, gudoomiyaha maxkamada ciidamada Soomaaliya, ayaa ku dhawaaqay in dib loo dhigay kiisaska, maadaama uu culus-yahay.

"Waqtiga dib la isugu soo laaban doono maxkamada ayaa dib kasoo sheegi doonta," ayuu Gaashaanle Sare, Liibaan Cali Yarow, yiri.

Liibaan ayaan kala caddeyn hadii eedaysanaha uu kusii jirayo xabsiga ama uu dibada kusii joogayo damaanad.

Cabdirisaaq Xuseen Tahliil [Ina Calool Geele], oo laba jeer xukun dil ah ay ku ridey maxkamada Puntland ayaa waxaa cafis u fidiyay Cabdiwali Gaas.

Maxkamada ayaa isbuucii horey laashay dhamaan xukunadii kala duwanaa ee dilka iyo cafiska isugu jiray ee lagu xukumay eedaysane Tahliil

Ina Calool Geelle oo laga qabtay Galkacayo 2012-kii, isaga oo gaarigiisa ku sitay walxo qarxa ayaa la sheegay in uu ahaa madaxii Amniyaadka iyo Dhaqaalaha Al-Shabaab ee gobolka Mudug.

Bishii September ee sanadkii hore 2018-kii ayaa lagu soo wareejiyay kiiska Tahliil maxkamada ciidamada heer federaal, halkaasi oo la rajeynayo in xukunka ugu dambeeya lagu rido, wallow aanan la ogayn waxa uu noqon karo.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Shirweynaha 5-aad ee Golaha Guud ee Ururka Warbaahinta Puntland oo ka furmay Garowe

Madaxwayne ku xigeenka Puntland Ilyaas Cusmaan Lugotoor ayaa daahfuray Shirweynaha oo ay ka qeybgalayaan dhinacyo kala duwan.

  • Puntland

    21-04-2024

  • 11:46AM

Dowladda Puntland oo dardargelisay la macaamilka Beesha Caalamka

Kulanka ayaa looga hadlay mashaariicda horumarin iyo Kuwa bani’aadantinimo ee ay Puntland ka taageeraan iyo Sidii loo xoojin lah wadashaqeynta.

  • Puntland

    18-04-2024

  • 12:52PM