Maxay tahay sababta keentay dib u dhaca isku-shaandheynta?

Image

June 12, 2015 (GO)- Todobaadyadii u dambeeyey waxaa si weyn loogu dheg taagayey isku-shaandheyn la filayo in Madaxweynaha Puntland Cabdiweli Maxamed Cali Gaas ku sameeyo golihiisa wasiirrada.

Isku-shaandheynta oo qorshuhu yahay inay dhacdo kahor 15-ka bisha June, markaasoo kal-fadhiga 35aad ee baarlammaanka Puntland furmi doono, waxaa caqabad ku noqdey arrimo dhowr ah oo ay kamid yihiin:

Khilaaf soo kala dhex galay Gaas iyo Camey

Dhowrkii maalmood ee u dambeeyey waxaa soo shaac baxay khilaaf u dhexeeya Madaxweyne Cabdiweli Maxamed Cali Gaas iyo Ku-xigeenkiisa Cabdixakiim Cumar Camey. Khilaafka ayaa sida ila-wareedyo lagu kalsoon yahay Garowe Online u sheegeen wuxuu salka ku hayaa arrimo la xiriira isku-shaandheynta la filayo in lagu sameeyo Golaha Wasiirrada.

Gaas ayaa doonaya inuu xil usoo magacaabo Axmed Cabdi Xaabsade oo isagu bilo kahor kasoo goostey Somaliland soona gaarey magaalada Garowe. Arrintaas waxaa si weyn uga soo horjeestey Madaxweyne ku-xigeenka oo tilmaamay inay tahay mid aan sinaba loo aqbali karin.

Xaabsade taageero badan kama haysto inta badan qabaa'ilka Dhulbahante gaar ahaan Ugaaryahanka, waxaana lagu eedeeyaa inuu kamid yahay dadkii mas'uulka ka ahaa in Somaliland qabsato magaalada Laascaanood ee xarunta gobolka Sool.


Muran ka taagan Wasaaradda Maaliyadda:

Sida aanu wararka ku heleyno, Wasiirka Maaliyadda Shire Xaaji Faarax ayaa ka biyo diidsan in laga qaado xilka. Shire wuxuu Madaxweynaha u sheegay inuusan diyaar u ahayn xil kale inuu qabto haddii laga qaado Wasaaradda Maaliyadda.

Sidoo kale, isimmo, siyaasiyiin iyo waxgarad kasoo jeeda beesha Wasiir Shire ee Cali Saleebaan ayaa labadii maalmood ee u dambeeyey madaxtooyada Garowe kulammo gaar gaar ah kula qaatey Madaxweynaha Puntland Cabdiweli Maxamed Cali Gaas.

Ergada Beesha Cali Saleebaan waxay Madaxweynaha ka dalbadeen inuu tix geliyo rabitaanka Shire Xaaji, maadaama nidaamka Puntland ku shaqeyso uu yahay mid ku saleysan hab-qaybsiga beelaha.

Warar aan xoog badneyn oo soo baxaya ayaa sheegaya in hal wasaarad layskaga dhigi doono Wasaaradda Kalluumaysiga iyo Wasaaradda Dekedaha loona dhiibi doono Shire Xaaji.


Yaa loo soo wadaa Wasaaradda Maaliyadda:

Warar badan oo is-khilaafsan ayaa kasoo baxaya cidda Madaxweynuhu doonayo inuu usoo magacaabo xilka Wasiirka Maaliyadda. Warar aan sugneyn oo Garowe Online heshay ayaa tibaaxaya in xilkaas loosoo magacaabi doono  qof kasoo jeeda beesha Cismaan Maxamuud.

Warar kale ayaa sheegay in wasiirka cusub ee maaliyadda loo soo magacaabi doono nin kale oo kasoo jeeda Beesha Axmed Harti (Dishiishe).

Maxamed Cabdinuur oo kamid ahaa murashaxiintii ka qayb galay doorashadii madaxtinimada Puntland ee 2014 kana soo jeeda beesha Ciise Maxamuud ayaa isna raadinaya xilkaas isagoo taageero ka haysta isimka beeshiisa.

Wasiirrada Xilalkooda Waayi Doona:

Wararka Garowe Online heleyso ayaa tibaaxaya in ay xilalkooda waayi doonaan Wasiirka Waxbarashada Cali Xaaji Warsame iyo Wasiirka Caafimaadka Saadiq Eenow. Cali Xaaji waxaa lagu beddeli doono siyaasi kale oo ay isku hayb yihiin, balse ilaa iyo hadda aan magaciisa la shaacin. 

Sidoo kale lama shaacin ilaa iyo hadda qofka lagu beddeli doono Saadiq Eenow, balse waxaa socda loollan adag oo arrintaas ka dhashay una dhexeeya beelaha Cismaan Maxamuud.

Beesha Bahdir oo Saadiq Eenow uu kasoo jeedo ayaa dooneysa xilkaas halka beelaha kale arrintaas ku gacan sayreen iyagoo xilkaas la raba nin ka tirsan saraakiisha sar sare ee Hay'adda UNDP xafiiskeeda Puntland.

Dhanka kale, Burhaan Boqor ayaa xilligan ku sugan magaalada Garowe halkaasoo uu kulamo kula qaatey Madaxweyne Gaas iyo ku-xigeenkiisa Camey.

Wasiirka Cadaaladda Ismaacil Maxamed Warsame iyo Wasiiru-dowlaha Qorsheynta Axmed Ibraahim Cawaale ayaa kamid ah xubnaha Cabdiweli Gaas doonayo inuu xilalka ka qaado, inkastoo arrintaas uu gaashaanka u daruuray guddoomiye ku-xigeenka labaad ee baarlammaanku Xuseen Yaasiin Diiriye .

Arrimahaas kor ku xusan iyo qaar kale ayaa sababay dib u dhaca ku yimid isku-shaandheynta Golaha Wasiirrada Puntland xilli Madaxweynaha cadaadis xooggani kaga imaanayo dhanka beelaha.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Shirweynaha 5-aad ee Golaha Guud ee Ururka Warbaahinta Puntland oo ka furmay Garowe

Madaxwayne ku xigeenka Puntland Ilyaas Cusmaan Lugotoor ayaa daahfuray Shirweynaha oo ay ka qeybgalayaan dhinacyo kala duwan.

  • Puntland

    21-04-2024

  • 11:46AM

Dowladda Puntland oo dardargelisay la macaamilka Beesha Caalamka

Kulanka ayaa looga hadlay mashaariicda horumarin iyo Kuwa bani’aadantinimo ee ay Puntland ka taageeraan iyo Sidii loo xoojin lah wadashaqeynta.

  • Puntland

    18-04-2024

  • 12:52PM