Xukunkii dilka toogashada ee kiiska kufsiga Caasha oo la ayiday

Image

GAROWE, Puntland - Maxkamada Racfaanka Gobolka Nugaal ee Puntland ayaa maanta oo Axad ah ayiday xukunkii dilka toogashada ee garka loo geliyey saddexda ruux ee ay ku cadaatay dambiga kufsiga iyo dilka ee Caasha.

Saddex shaqsi oo dhamaantooda ah rag waaweyn ah ayaa waxaa lagu kala magacaabaa Cabdishakuur Maxamed Dige, Cabdisalaan Cabdiraxmaan Warsame iyo Cabdifitaax Cabdiraxmaan Warsame.

Maxkamada Darajada Koowaad ee gobolka Nugaal ayaa bishii Maaj ee sanadkan 2019 waxay dil toogasho ay ku riday raggaan, kadib markii lagu helay dambiga ayna xeer-ilaalinta soo bandhigay caddeymaha dhameystiran.

Xeer-beegtada Racfaanka oo sheegtay in raggaan ay mar kale dafireen in ay falka geystay ayaa tilmaamay in baaritaano iyo xog uruurin badan oo ay sameeyeen kadib ay kusoo baxde xaqiiqadda.

Caddeymaha ay la yimaadeen dacwad oogeyaasha ayaa isugu jira dhecaano laga qaadey xukumaneyaasha iyo DNA-ga si lamid ah qiraalo laga qoray wallow ay sheegeen in aysan wax dambi ah gelin.

Caasha Ilyaas Aadan oo ahayd gabar 12-jir ah isla markaana ku jirtay heerka dugsiga dhexe ayaa bishii Febraayo lagu afduubtay Gaalkacyo kahor inta aan la faroxumeyn, la jirdilin kadibna iyadoo meyd ah aan la helin.

Hay'addaha amaanka ayaa in ka badan 10 ruux u soo qabtey gal-dacwadeedkan, kuwaasi oo baaritaano kadib uu kiiska lugaha lasoo galay saddex shaqsi ee xukunka lagu riday.

Xukuumada uu hogaamiyo madaxweyne Deni ayaa horey u balanqaadey in ay fulin doonto xukun kasta oo ay hay'addaha garsoorka ku ridaan kiiskan aadka isha loogu hayo.

MUUQAALKA MAXKAMADA

GAROWE ONLINE

Related Articles

Shirweynaha 5-aad ee Golaha Guud ee Ururka Warbaahinta Puntland oo ka furmay Garowe

Madaxwayne ku xigeenka Puntland Ilyaas Cusmaan Lugotoor ayaa daahfuray Shirweynaha oo ay ka qeybgalayaan dhinacyo kala duwan.

  • Puntland

    21-04-2024

  • 11:46AM

Dowladda Puntland oo dardargelisay la macaamilka Beesha Caalamka

Kulanka ayaa looga hadlay mashaariicda horumarin iyo Kuwa bani’aadantinimo ee ay Puntland ka taageeraan iyo Sidii loo xoojin lah wadashaqeynta.

  • Puntland

    18-04-2024

  • 12:52PM