Maxkamadda Sarre oo go’aamisay in la fuliyo xukunka kiiska Caasha

Image

GAROWE, Puntland – Maxkamadda Sarre ee dowladda Puntland ayaa Arbacada maanta ah waxay go’aamisay in la fuliyo xukunka dilka toogashada ah ee garka loo geliyay saddexda rag ee loo xukumay kiiska Caasha.

Shaqsiyaadka kiiskan loo xukumay ayaa kala ah; Cabdifitaax Cabdishakuur Warsame, Cabdishakuur Maxamed Dige iyo Cabdisalaan Cabdiraxman Warsame, kuwaas oo howlgalo ay sameeyeen ciidank lagu qabtay.

Cabdifitaax ayaa, bishii August ee 2019-ka, qirtay in uu kufsaday Caasha Ilyaas Aadan. Dige ayuu maxkamadda u sheegay in uu dilay gabadha 12-sano jirka ahayd, isaga oo dambiga ka bariyeelay C/salaan oo ay walaalo yihiin.

Hase ahaatee, Cabdishakuur oo beeniyay in uu wax kaalin ah ku lahaa guud ahaan falka faroxumeynta ayaa waxa uu ku adkeystay in uu yahay "mid aanan wax khalad ah sameyn".

Marxuumadda oo falka lagula kacay uu sababay dibadbaxyo lagu dalbanayey cadaalad ayaa bishii Febraayo 2018-kii waxaa lagu dhibaateeyay magaaladda Gaalkacyo, xarunta gobolka Mudug qeybta ay maamusho Puntland.

Baaritaano ay sameysay xeer-ilaalinta ayaa waxaa lagu soo bandhigay caddeymo ay kamid yihiin dheecaano laga qaadey kuwaas oo muujinaya in saddexdooda ay la fal-galeen Inanta yar.

Maxamed Xareed Faarax, xeer-ilaaliye ku xigeenka dowladda Puntland, ayaa Arbacada maanta ah u sheegay warbaahinta, in xukumaneyaasha dhowaan lagu fulin doono xukunka xeer-beegtadda "ee cadaaladda ku saleysan".

Xukuumadda madaxweyne Saciid Cabdullaahi Deni ayaa horey wacad ugu martay in ay dhaqan-gelin doonto go’aan walba oo kiiskan ay kasoo saaraan hay’addaha garsoorka dowladda Puntland.

Ilyaas Aadan, aabaha dhalay Caasha, oo banaanka Maxkamadda kula hadlay wariyeyaasha, ayaa xusay in uu ku qanacsan yahay go’aanka Maxkamadda Sarre Puntland, kaasoo ah midkii ugu dambeeyay.

Hay'addaha u dooda xuquuqda dumarka iyo bini'aadanimada ayaa soo dhaweeyay xukunka hay’addaha garsoorka Puntland ee gal-dacwadeedkan.

Xukunka lagu riday kiiska Caasha ayaa wax ka bedelay taariikhda Soomaaliya, wuxuuna noqday midkii ugu horeeyay ee lagu saleeyo dheecaano laga qaadey eedeysaneyaasha, taas oo ah wax ku cusub geyiga.

MUUQAALKA XAREED

GAROWE ONLINE

Related Articles

Dowladda Puntland oo dardargelisay la macaamilka Beesha Caalamka

Kulanka ayaa looga hadlay mashaariicda horumarin iyo Kuwa bani’aadantinimo ee ay Puntland ka taageeraan iyo Sidii loo xoojin lah wadashaqeynta.

  • Puntland

    18-04-2024

  • 12:52PM

Puntland oo qaadacdey shirka uu iclaamiyay Xasan Sheekh

Madaxweynaha Soomaaliya ayaa 21-ka ilaa 22-ka bishan April u mudeeyay in uu qabsoomo shir madaxeedkan.

  • Puntland

    17-04-2024

  • 06:28AM